U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Ee Puntland Oo Kaalin Ka Qaadanaya Daminta Xiisad Ka Jirta Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in kaalin xooggan uu ka qaadan doono daminta colaadda ka jirta deegaanno ka mid ah gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in haddii aanay nabad jirin aan meelna la tagi doonin, waxaana uu tilmaamay in isagu horseed u noqon doono nabad ka dhalatay gobolka Sool.

“Haddii aanay nabad jirin meel la tagi karo malahan, aniga waxaan diyaar u ahay inaan kaalin ka qaato nabadeynta dadka ku dagaalsan gobolka Sool, waxaan u baahannahay in shacabka ay midoobaan oo ay ka heshiiyaan wax walbo oo horay u dhacay” ayuu yiri Faroole.

C/raxmaan Faroole ayaa hadalkaan maanta sheegay xilli uu dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Ulajeedka uu dib ugu soo laabtay ayuu sheegay inay tahay arrinta ku aadan doorashada sanadkaan dalka ka dhici doonta maadaama uu dhawaan sheegay inuu yahay musharrax madaxweyne.

Goobjoog News