U bood dhigaalka

Madaxweynihii hore Galmudug oo bogaadiyay dagaalka dhaqaalaha ee lagu qaaday Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa soo dhaweeyay dagaalka dhanka dhaqaalaha ah ee ay dowladda Soomaaliya ku qaadday ururka alshabaab.

Qoraal uu soo daabacay Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayuu ku sheegay in uu bogaadinayo dagaalka dhaqaalaha ah ee lagu qaaday ururka alshabaab.

“Waa bogaadinayaa si guud dagaal dhinacyada badan leh ee ay laamaha kala duwan ee dowladdu kula jiraan kooxaha Argagaxisada ah. Gaar ahaanna waxaan si weyn u bagaadinayaa dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxdaas lagu qaaday, taas oo sababtay in laga xiro in ka badan 250 xisaab bank oo ay si toos ah iyo si aan toos aheynba u isticmaaliyeen, kuwaas oo ay ku jiraan malaayiin doolar oo la doonayey in lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.
Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale ugu baaqay in ay shacabka qayb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada dalka oo ay taageeraan dowladda Soomaaliya.
“Waxaa shacab weynaha Soomaaliyeed laga doonayaa inay dowladda iyo laamaheeda kala duwan si buuxda ugu gacan siiyaan dagaalka dhan kasta ah oo ay kula jirto kooxahaas Argagaxisada ah oo har iyo hoyaad u diiday umadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.
Hadalka Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa ku soo aadaya xiilli ay dowladda Soomaaliya ay maalinimadii shalay ahayd sheegtay in ay xirtay 250 akoon oo ay alshbaab dhaqaalaha ku heli jirtay
May be an image of 1 person and suit
Goobjoog News