U bood dhigaalka

Madaxweynihii hore Pakistan oo geeriyooday

Sheeko:Dalka

General Pervez Musharaf oo ah madaxweynihii hore ee Pakistan ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Dubai.

Musharaf ayaa jiray da’da 79, waxaana uu Pakistan taladeeda hayay intii u dhaxeysay sanadihii 2001 illaa 2008-dii, madaxweynaha ayaana u geeriyooday xanuun muddooyinkii la soo dhaafay hayay.

General Pervez Musharaf ayaa intii uu xukunka hayay tiro dhawr jeer ah ka badbaaday isku dayo lagu doonayay in nolosha lagu dhaafsiiyo.

Madaxweynaha ayaana kamid ahaa hoggaamiyayaasha islaamiyiinta mayalka adag.

Goobjoog News