U bood dhigaalka

Madaxweynihii Sri Lank oo isaga cararay dalkiisa

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii dalka Sri Lank Gotabaya Rajapaksa, ayaa lagu soo waramaya in uu diyaarad militeri uu kaga baxsaday gudaha dalkaas, kadib markii ay shacab caraysan ay galeen hooyga madaxtooyada Sri Lank.

Rajapaksa ayaa la sheegay in uu u cararay magaalada Malé ee dalka maldives, xilli lagu waday in maanta oo Arbaca ah uu iska casilo xilka madaxweynanimo ee dalkaas.

Madaxweyne Gotabaya, ayaa lagu arkay gudaha magaalada Malé  ee caasimadda u ah dalka maldives, halkaas uu ka dagay xilli habeennimo ah, sida ay xaqiijiyeen warbaahinada caalamka.

Dalka Sri Lank, ayaa la filaya in ay la wareegaan ciidamada militeriga, xilli ay kulama wadaan xisbiyada mucaaradka ah si ay dhankooda talada dalka gacanta ugu dhigaan.

Qoyska Rajapaksa, ayaa muddo tobonaan sano ah ka talinayay dalka Sri Lank, iyagoo xukunka isaga dambeeyay, balse carada shacabka ee sababtay in xukunka laga rido ayaa timid kadib markii ay sare u kaceen maciishadda iyo adeegyada qutul daruuriga ah ee Sri Lank.

Goobjoog News