U bood dhigaalka

Madeira, Ma Waxaa uu Eersaday Jid uu Dad Kale Mariyey?!

Sheeko:Amniga

Tallaabada ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, uu arbacadii tagtay dalka uga ceyriyey ergeyga midowga Afrika ATMIS Francisco Madeira waxaa ka dhashay diidmo ka timid madaxweynihii hore Farmaajo iyo xataa midwoga Afrika. isjiidjiidkaasi kusoo aaday xilliga loo diyaargaroobayo dhaarinta xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee April 14, doorashada guddoonkooda iyo doorashada madaxweynaha ayaa laga cabsi qabaa in uu hareeyo hawlihii dhameystirka doorashada, amniga Muqdisho iyo guud ahaan hamsami usocodka hawlgalka ATMIS.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa u jaray Francisco Madeira ‘persona non grata’ amrana inuu dalka uga baxo 48 saac halka Farmaajo oo kahor yimid go’aanka kusheegay mid fudeyd ku jiro, oo sharci darro ah, isaga oo intaa raaciyey in aanu helin wax cabasho ah oo ah in uu farageshtay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana aanu ogolaaneyn talaabo sharci darro ah oo ka dhan ah Ambassador Francisco Madeira.

Maxaa Keenay Go’aanka Rooble ee Ceyrinta Madeira?

Mr. Rooble, ayaa dalka ka saaray Madeira kadib markii la helay cod lasoo dusiyey oo laga duubay mid ka mid ah shirarkooda, wakiilka midowga Afrika ayaa hadalkaasi garab istaagga Rooble ee dilka xildhibaan Aamino ku sheegay mid laga raadinayo dano siyaasadeed.

Madeira waxaa uu cajaladda ku leeayhay “Waa run wax aka dhacay Baladweyn, qaraxa kale mid jirin buuq waayo qof caan ah kuma dhiman, laakin midkan waxaa uu mid xildhibaan, waxaa ay is tuseen in loo adeegsan karo Farmaajo, waayo suurgalnimada guusha Farmaajo ayaa muuqata, waxayna doonayaan in ay ka hor tagaan”.

 “Wax micno ah uguma fadhiso haweeneyda ee waa waxa ay u taagantahay iyo iney u adeegsadaan in ay meesha ka saaraan ama ay tuuraan Farmaajo”. Ayuu raaciyey Madeira.

Warbixinta Eedeynta Midowga Afrika ee Madeira:

Madeira keliya uma eedeysna xukuumadda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta Soomaaliya ee waxaa jiray warbixin qarsoodi ah oo laga helay gudaha xafiiska guddoomiyaha midowga Afrika May 2020-kii, taasi oo sheegeysa in wakiilkooda uu faraha ku milmay siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, uuna dhinacyada la kala safto, waxaa kale oo warbixinta ku jirtay inuu si xun ula dhaqmo shaqaalaha, af xumo, inuu qaato deeqaha AMISOM, uuna u isticmaalo arrimo siyaasi ah.

Sida Madeira ugu Lug lahaa Ceyrintii Farmaajo ee Simon Mulongo.

Farmaajo kooxdiisa, oo u maraya wasiirka arrimaha dibadda Maxamed cabdirisaaq ayaa November 4, 2021-kii waxaa ay ‘persona non grata’ siiyeen ku xigeenkii hawlgalka AMISOM Simon Mulongo,iyada oo lagu eedeeyey inuu ku kacay dambiyo waaweyn, looma baahnaa in mar hore go’aan laga qaato. Aarrinta ceyrinta ku xigeenka AMISOM waxaa kale uu ku lug lahaa, oo mar walba Mulongo dacwo ka gudbinayey, una arkayey caqabad iyo odax laga siibay Francisco Madeira.

Madeira, waxaa uu ku milmay siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isaga oo taageero gaar ah u hayey Farmaajo, waxaa uuna si xun ula dhaqmi jiray shaqaalaha isaga oo sidoo kale deeqaha AMISOM u adeegsaday dano gaar ah, sidaasi waxaa qirtay hey’adda uu ka tirsan yahay.

Haddaba, Madeira ma waxaa uu maray jidkii Mulongo?

Madeira waxaa uu hadda marayaa mirihii uu beertay isaga oo lagu helay cod uu si cad ugu difaacayo Farmaajo, doonayana dib u doorashadiisa, isaga oo yareystay qaraxii lagu dilay xildhibaan Aamina, sidoo kale weerar ku qaaday madaxweyneyaashii hore, taasi oo xoojineysa nin ninkan ay wax u dheeraayaan madax hawlgal.

Mustaqbalka Madeira

Inkasta oo midowga Afrika sheegayaan in ergeygoodu kalsoonida u cusboonesiinayaan, hadana waxaa soo baxday sabtidii qoraal ay wasaaradda amniga ku sheegtay in Madeira lagala noqdo fiisaha, mustaqbkana aan la siin, waxaa kale oo hey’adaha khuseyso sida diyaaradaha lagu war geliyey in aaney soo qaadi karin, arritan oo dhaqangalkeeda la ogaan doono maalmaha soo socda.

Goobjoog News