U bood dhigaalka

Madixii Sirdoonka Al-Shabaab oo La Xaqiijiyey in Duqeyn Lagu Diley

Sheeko:Dalka

saakoowKadib qirashii dowladda Maraykanka, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon in ay duqeyn xagga cirka ah ka geysatay degmada Saakoow ee Jubada Dhexe ayaa waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo la xiriira duqeyntaasi.

War kasoo baxay hey’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegey in qofka duqeynta lagu diley uu yahay madixii sirdoonka Al-Shabaab Cabdishakuur Tahliil.

Illo wareedyo kale oo Goobjoog la xiriirtey ayaa sheegey in meel degmada Saakoow ka baxsan ay duqeynta ka dhacday, islamarkaasina lala eegtey 2 gaari oo nooca Suzuki ah, kuwaasi oo la sheegey in dadkii saarnaa oo dhan ay ku dhamaadeen.

Tahliil ayaa waxa uu ahaa ninkii badalay Zakariye Ismaaciil oo dhawaan dowladda isku soo dhiibey, kadibna la sheegey in dowladda Kenya ay lasii wareegtey.

Goobjoog News