U bood dhigaalka

Madoobe: Aan Idiin Weydiiyee Jubbaland Doorashada, Ma waxaa ay ku Qabanaysaa Hal Meel?

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbalanad Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta qadka Zoomka kaga qeyb galayey shirka iskaashiga Soomaalida, oo ay ka qeyb galayeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka  ayaa ka hadlay in Jubbanad ay dalbaneyso in ciidamada dowladda dhexe laga soo saaro Gedo.

Madoobe oo hadlayey ayaa yiri“ Waxaan cabasho ka muujinay arrinta gobolka Gedo oo ka tirsan 3-da gobol ee Jubbaland, taas oo macnaheedu ahaa in doorashada la qabto, deegaan welibana sida uu sharcigu  siinayo uu u qabto doorashada, gobolka Gedo maanta kama jiro maamul Jubbalanad ah waxaa heysto jabhado iyo maleeshiyaad ciidan oo loo diray”

Axmed Madoobe oo sii hadlaya ayaa yiri“ Ma jiro hal mas’uul oo Jubbaland kasoo jeeda oo gobolka jooga oo isticmaalaya calaamadda aan isticmaalno, waxaan in badan kala hadalnay dowladda dib u heshiisiin ayey u baahan tahay, waxaa ay u baahan tahay dowalddu in ay maamulka kusoo wareejiso dadkii maamulayey oo maamlka joogay, dib u heshiisiin markii loo sameeyo kadib ayaa laga hadli karaa doorasho, Jubbalanna ay maamulayso”

Madaxweynaha Jubbanad ayaa isweydiiyey “ Sedex Bilood ku dhowaad ayey joogtay dowladdu, maxay qabatay? Maxayse baabi’isay, iyadaa gobolkii gacanta ku haysay, maxaa go’aan ah oo ay soo jeedisay, maka gaartay in ay ciidamada ka bixiso? Maka gaartay in ay dib u heshiisiin qabato? Maka gaartay in Jubbaland maamulka lagu soo wareejiyo”.

Arrinta uu aad uga hadlay waxaa ku jira halka ay Jubbaland doorasho ku qaban doonto “Aan idiin weydiiyee Puntland markii ay doorashada ku qabato labadii meel, oo Galmudug qabato, oo Hirshabeelle qabato, oo Koonfur Galbeed qabato, Jubbaland doorashada waxaa ay ku qabanaysaa hal meel meelaha kalena ciidanka dowladdu ay geeysay ayaa loo dirayaa oo qabanaya”

Axmed waxaa uu Farmaajo iyo maamulkiisa ugu baaqay iney qeexaan maqaamka Jubbaland “Waxaan  rabaa Mudane Ra’iisalwasaare adiga, madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaare ku xigeenka inta aad isku noqotaan hala qeexo Jubbaland meesha ay wax ku qabanayso, Jubbaland mise maahan xaq ma u leeeyihiin mise dowladda federaalka ah ay soo saareysaa qoraal ay leedahay gobolka Gedo waan la wareegnay iyadoo la sambabeynayo sababta ay ula wareegeen, Waxaan rabaa inaan marqaati gashado Beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeedba war wixii aan ku qaldanahay naga qabta diyaar ayaan u nahay deegaanka aan wada maamulno”.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in doorasho isjiidjiid ah waxa ay horseedi karto“Arrinta doorashooyinku waa xasaasi doorasho la musuqmaasuqo ayey keeni kartaa, oo barnaamij iska horkeena lagu sameeyo dib u dhac ku yimaada, dowladda Mareykanka oo intaa argtay soo jirtay ayaa isjiidjiid ka dhacay, maxaad maleenaysaa Soomaalia oo aad garanaysaan 2017-ka sedex madaxweyne mid la doortay iyo laba ka horeysay inta gacmaha is qabsadeen la isku wareejiyey, haddii taas dhici waydo caqadeena iyo mushkiladeena waaye”.

Goobjoog News