U bood dhigaalka

Madoobe: Amniga 2016 Meel Ka Xun Ayuu Marayaa…Dalka Laguma Maamuli Karo Rabitaan Qof

Sheeko:Amniga

Axmed Madoobe, madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo ka hadlayey shirka madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in ay tahay in dowladda federaalka ah lala xisaabtamo, taasina ay dastuuri tahay,  isaga oo intaas raaciyey haddii ay dhib sanayaan in la xisaabtano, uu dhibka ku dhacayo dowlad goboleedyada.

Waxaa uu sidoo kale Axmed Madoobe ka hadlay arrimaha amniga, dastuurka, garsoorka iyo sida dalka loo bad-baadin karo.

Amniga: Mar uu ka hadlayey amniga waxaa uu sheegay in amniga faraha ka baxay, oo meel xun marayo, uuna ka daranyahay halkii uu joogay 2016-kii, waxaa uu yiri “Amniga 2016 meel ka xun ayuu marayaa, shirarkii amniga ee dhacay wax laga fuliyey ma jirto, waa ka sii dareysaa, waxaa ay heystaan Al-shabaab fursad ay meel kale ku qabsadaan, shir micno ma leh ee fulinta iyo miro-dhalka ayaa muhiim ah”.

Dastuurka: Axmed Madoobe waxuu sheegay inuu yahay midka dalka kala socod-siin kara, saldhig iyo gunna u ah wax walbo, waxaa uu dowladda federaalka ah ku eedeeyey  ku takrifal awood,  oo si qaldan loogu dhaqmayo, isaga oo soo-jeediyey in la  ilaaliyo wada shaqeynta  dowladda federaalka ah iyo golayaasha dowlad goboleedyada, waayo waxuu uu yiri “dastuurka ma amid cid gooni ah leedahay”, waxuuna adkeeyay in dhamerstirkiisa uu muqadas yahay.

Mushaaraadka: Axmed Madoobe mar uu ka hadlayey inuu ra’isul wasaaraha dhaho dowladda waa bixisaa mushaaraadka, waxaa uu sheegay in ay jiraan baarlamaannada maamul goboleedyada markalaga reebo Puntlad aaney 5 bil ugu yaraan mushaar qaadan isaga oo is-weydiiyey “ Kuwa State-yada jooga, kuma jiraa miyaa kuwa ay dowladda mas’uulka ka tahay”?

Garsoorka:  Waxaa uu Axmed Madoobe dhaliilay qaabka ay dowladda federaalka ah u maareyso garsoorka, iyo in dhaqankaas uu keeni karo dhibaato iyo culeys, waxuuna ka digay wada shaqeyn la’aan dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada oo horseedi kara burbur dhaqan dhaqaale.

Waxaa uu adkeeyey in nidaamka qisaasta la qaato si loo nabad galo, oo aan la fiirin shakhsi Baasaboorka dalka uu wato aan qisaasta iyo dilka laga ogoleyn, isaga oo sheegay in Al-shabaab ay jecelyihiin in Xamar lagu maxkamadeeyo, waayo waa nolaanayaan halka Jubbalad la dilo qofkii qof dilo, lana fiirin baaqa beesha caalamka.

Badbaado: Ugu dambeyntii,  Axmed Madoobe waxaa uu soo jeediyay in dalka aan lagu maamuli karin rabitaan qof, oo aan is-weydiin cabirka la saarayo waa ceynkee?  dhaqankiisa muxuu yahay? sidee loo ilaalin karaa, waxaa uu eedeeyay mas’uuliyiinta ay u muuqato rabitaankoodka, isaga oo raaciyey “Soomaaliya waa ka dunwatahay in 3 qof siday rabaan ka yeelaan, waxaa in la dhaho sidee walalalow wax u qabanaa? Waxaa uu dowladda federaalka ah dusha ka saaray burburka hey’adaha dalka, xisaabtan la’aan iyo shaqii baarlamaanka oo meesha ka baxday.

Goobjoog News