U bood dhigaalka

Madoobe iyo Deni oo Kusoo Wajahan Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa la filaya in Saacadaha soo socda ay magaalada Muqdisho soo gaaraan madaxweeynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland .

Sida ay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ay Goobjoog News u sheegeen madaxweeynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madoobe ayaa maanta imaan doonna Muqdisho.

Dhankiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isna la filaya in gelinka dambe ee maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Labada Hogaamiye ayaa lagu wadaa iney Muqdisho uga qeybgalaan shir lagu dhameystirayo heshiiskii September 17 iyo war murtiyeedka kasoo baxay guddiga farsamo ee maamul goboleedyada oo Baydhabo isku arkay 15-16-kii bishii hore.

Goobjoog News