U bood dhigaalka

Madoobe Nuunoow Maxamed “Maamulka sedaxda gobal dadka wata waa Kursi doon” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madoobe Nuunoow Maxamed oo sheega inuu yahay maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda gobal ayaa sheegay in shirka ka socda magaalada Baydhaba ee lagu dhisaayo sedaxda gobal dadka wada ay yihiin Kursi doon.

Maamulkiisa ayuu sheegay in loo dhisay oo kaliya sidii loo mideyn lahaa shacabka gobalada Koonfur Galbeed ee Lixda, waxa ay xilkaan u qabteenna aanay ahayn mid xil ku rabaan balse ay shacabka isku keenayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku dhaliilay inuu ka talaabsaday qodobka 49-aad ee Dastuurka dalka u yaala, kaa oo cadeynaya qaabka loo dhisaayo maamulada dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale waxa uu sheegay in marnaba aanay qaadan doonin in ay ka tanaasulaan maamulkooda Lixda gobal ah, waxaana uu ku baaqay in la eego rabitaanka shacabka.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi aynu la yeelanay Madoobe Nuunoow Maxamed.

Goobjoog News