U bood dhigaalka

Madoobe Nuunow:Rabitaanka shacabka koofur galbeed ayaa dhaqan galaysa

Sheeko:Dalka
Madoobe Nuunow Maxamed
Madoobe Nuunow Maxamed

Madoobe Nuunow Maxamed oo sheegay in madax uu u yahay maamul ka kooban lix gobol ayaa sheegay in maamulkiisu uu yahay kan keliya ee ku dhisan rabitaanka shacabka ku nool goboladaasi.

Waxa uu ku tilmaamay Madoobe Nuunow shirka Baydhabo ka furan ee maamul saddex gobol lagu dhisayo mid la mid ah shirkii lagu dhisay saddexda gobol oo uu sheegay in uu yahay mid sharci darro ah.

Shaqsiyaad gaar ah ayuu tilmaamay Madoobe Nuunow in ay ka qayb qaadanayaan hurinta siyaasado is diidaya oo ka dhasha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waxa uu ku adkeystay in maamulkoodu uusan marnaba ka tanaasuli doonin go’aankooda.

Hoos ka dhageyso codka Madoobe Nuunow: