U bood dhigaalka

Madoobe oo Ka Warbixiyey Dadaallada La Xiriira Abaaraha

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islam Madoobe  ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirrada, kaas oo qabsoomay magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka u ah maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa golaha warbixin ka siiyey kulan shalay Kismaayo ka dhacay oo Axmed Madoobe la qaatay safiirka dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster , xaaladda amni iyo abaaraha ka jira deegaannada maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Madoobe ayaa sheegay in dowlad goboleedku wado gurmadyo kale duwan oo ku saabsan sidii gurmad xooggan loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu ku saameeyeen  ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu sheegay Madaxweynuhu in ay kala hadleen sidii ay qayb weyn oga qaadan lahaayeen gurmadka ay u baahan yihiin dadka.
Goobjoog News