U bood dhigaalka

Magaalada Baladweyne Oo 25-sano Ka Dib Lagu Qabtay Bandhig Faneed (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay 25-sano ka dib waxaa lagu qabtay Bandhig Faneed ay dhigayeen kooxda xidigaha Muqdisho.

Shacab farabadan oo isaga kala yimid xaafadaha magaalada Baladweyne, ayaa ka qeybgalay bandhig faneedkaasi, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay suugaan xiiso badan.

Halka lagu qabanayay Bandhig faneedkaan waxaa amniga xaqiijinayay ciidamada Booliiska magaalada Baladweyne, iyadoo shacabka si nabad galyo ah ay ku dhameysteen.

Korneel Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo ah taliyaha saldhigga Booliiska Baladweyne ayaa u sheegay Goobjoog News, in bandhig Faneedkaan uu cadeynayo amniga degmada ka jira.

“Bandhig Faneed heerkaan oo kale ah waxaa Baladweyne ugu dambeysay xilligii ay dhacday dowladda Soomaaliya, waxa kallifay in 25-sano ka dib la qabto bandhig sidaan ah waa amniga guud ee ka jira magaalada Baladweyne”

Waxaa dib usoo laabanaya amniga iyo bilicda guud ee magaalada Baladweyne, waxaana magaaladaasi maalmihii ugu dambeeyay ku qulqulayay muwaadiniin ka yimid Qurbaha.

Hoos ka daawo sawirada

Ban5 Ban4 Ban3 Ban2 Ban1

Goobjoog News