U bood dhigaalka

Magaalada Baydhabo Oo Ay Ka Socoto Doorashada Xubnaha Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka soconaysa hadda doorashada xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya degaannada Koonfur Galbeed.

Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa u codeynaya xubnaha musharrixiinta ah oo ay ku jiraan gabdho han ka leh ku soo biiridda siyaasadda Soomaaliyada cusub.

Xubnihii uu dhowaan soo gudbiyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta xildhibaannada maamulkaasi ay dooranayaan.

Xubnahani oo ka kooban 16 qof ayaa muhiimaddu waxay tahay inay ka soo baxaan siddeed xubin taas oo ka dhigan in labo qof oo kasta ay ku tartamayaan hal kursi.

Magacyada Musharrixiinta aqalka sare ee Koonfur Galbeed Oo Maanta doorashadooda ay ka socoto Baydhabo waa kuwaan hoos ku qoran:

magacyada-aqalka-sare-koonfur-galbeed

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa noqotay mid dhammeystirta qoondada haweenka ee siyaasadda dowladdani cusub oo ah 30% marka loo eego maamullada kale ee dalka ka jira sida Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.

Goobjoog News