Xafiiska Maareynta mashriicda Midowga Yurub NAO ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay kullan wadatashi ah oo ku saabsan hanaanka ay u socdaan mashaariicda sanduuqa horumarinta Midowga Yurub EDF/Projcets uu ka wado dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Macalin, ayaa furitaanka kullanka goobjoog ka ahaa, sidoo kale Waxaa qeyb ka ahaa Agaasimiyaasha guud Wasaaradahaaha Mashaariicda Mdiowga Yurub la falgala iyo Mas’uulayiin Sare oo ka socday Xafiiska NAO ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.