U bood dhigaalka

Magaalada Hargeysa oo Aasay Loogu Sameeyay Dhallinyaro Ku Geeriyootay Bannaanbaxyadii Dhacay Somaliland

Sheeko:Amniga

Magalaada Hargeysa Xabaale ku yaalla waxaa maanta lagu aasay sedex ruux oo ku geeriyootay khamiistii hore Bannaanbax ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Ceerigaabo, kadib markii ciidanka ammaanka iyo shacabku isku dhaceen, taas oo keentay in ciidanku ay adeegsadaan rasaas khasaare dhalisay.

Xisbiga Wadani ayaa soo qabanqaabiyay aaska sedexda dhalliyada ah ee ku geeriyooday mudahaardkii looga soo horjeeday xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaas oo dhaliyay khasaare soo gaaray dad shacab geeridda sedexdaan dhallinyaro iyo dhaawac 27 kale sida la xaqiijiyay.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADAN ayaa ka qeyb galay, iyadoo mas’uuliyiinta ugu sareysa xisbiyadaas ee musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ay tacsi u diyeen ehelka iyo saaxiibada dhallinyadii ku geeriyootay bannanbaxyadii dhacay.

Todobaadkii  hore ayey aheyd markii dibadbaxayaal ah careysan ay isku dhaceen ciidanka magaalooyinka Ceerigaabo, Burco iyo Hargeysa, kuwaas oo dhigayay mudaharaad looga soo horjeeday xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi, kadib markii la isku mari waayay doorashada guud.

Goobjoog News