U bood dhigaalka

Magaalada Jowhar Oo Laga Dareemayo Diyaar Garowga Shirka Maamul u Sameynta Sh/dhexe Iyo Hiiraan

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar ayaa laga dareemayaa diyaar garowga loogu jiro shirka maamul u sameynta gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan kaasi oo la filayo in dhawaan magaaladaasi uu ka furmo.

Ammaanka guud ee magaalada ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo badan fariisimo ay ka sameysteen meello ka mid ah magaalada oo amniga laga sugayo.

Koontaroollada degmada Jowhar laga soo galo ayaa la sheegay inay adkeeyeen ciidamada amniga, maadaama magaaladaasi shir ay martigelin doonto.

Maamulka gobalka Shabellaha dhexe ayaa sheegay in ay galeen diyaar garow adag oo ay ku doonayaan inay ku wajahaan shirkaasi, amnigane uu yahay mid la’isku haleen karo.

Shalay waxaa magaalada Jowhar gaaray xubno ka mid ah Labada gole ee dowladda, waxaana hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

Goobjoog News