U bood dhigaalka

Magaalada Kismaayo Oo Looga Diyaar Garoobayo Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, waxaa ka soconaya diyaar garow ballaaran oo loogu jiro caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, taasi oo la filayo inay dhacdo 12-ka bishaan.

Ammaanka magaalada Kismaayo aad baa loo adkeeyay, waxaana sidoo kale socota diyaarinta halka lagu qabanayo munaasabadda caleema saarka.

Guud ahaan magaalada Kismaayo waxaa lagu arkayaa ciidamo badan oo Jubbaland ah, kuwaasi oo sugaya amniga.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, ka dib safar uu ku joogay gobalka Gedo, ayaa kormeeray halka lagu qaban doono caleema saarka madaxweynaha Jubbaland.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa 15-kii August, waxa ay mar kale madaxweynaha Jubbaland u doorteen Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Goobjoog News