U bood dhigaalka

Magaalada Muqdisho Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Ololaha Dhaqanka Iyo Hidaha Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gababaeeyay Ololaha dhaqanka iyo Hidaha Soomaaliyeed, kaasio oo magaalada ka socday muddo 4 bil ah.

Munaasabaddii lagu soo gabagabeynayay Ololahaan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Labada gole ee dowladda Federaalka, maamulka Gobalka Banaadir iyo Ururada Bulshada Rayidka Ah.

Dadkii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ah  Injineer Saalax oo ah wasiirka howlaha guud ee dowladda Federaalka waxa uuna madashaasi oo ay kuwada sugnaayeen wasiiro iyo Abwaano Somaaliyeed uu ka sheegay in ay muhiim tahay in la horumariyo dhaqanka Soomaaliyeed .

Si gaar ah ayuu u sheegay in muhiim ay tahay Golaha wasiiradd inay ku Labistaan dharka cad ee hidaha iyo dhaqanka bedelkii ay xiran lahaayeen dharka Suudka ah.

“Soomaaliya Nabad ma gaarayso illaa dhaqankeeda ay ixtiraamto, nabad darada waxaa inoo keenay dhaqankii ayaan ka tagnay, labis aan la garaneen baa naloo keenay, xafiisyada dowladda ayaa la rabaa in laga billaabo” ayuu yiri Injineer Saalax

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed uu lumay kadib markii dadku ay u janjeerteen dhinaca dhaqamada shisheeye laakiin waxa uu yiri taasi xal inooma aha.

“Waxaa inaga dhumay wixii aan ku dhaqmeynay ee fiicnaa, wixii aan islahayn u guura sidii loo baahnaa uguma dhaqmin, dhexda ayaan ka baxnay, waxaana dhihi karaa waxaa qalad ahayd inaan waxayna ka guurno” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay Isagoo sii hadlaya in uu Golaha wasiiradda u gudbin doono in wasiiradu ay ku labistaan dharka hidaha iyo dhaqanka bedelka dharka wadamada shisheeyaha ah lagu sameeyo , waxa uuna  fikirkaasi uga mahadceliyay wasiirka howlaha guud Injineer Saalax.

“Wasiirka howlaha guud waan ka aqbalay in golaha wasiirada geeyo codsi ah in madaxda ay ku labistaan dharkooda hidaha iyo dhaqanka” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Barnaamijkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda  Warfaafinta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu socday muddo dhan 4-bil waxaana ka faa’iidaystay dad isugu jira Farshixanno da’yar iyo fanaaniin ku soo baxay barnaamijka hirgeli hamigaaga Faneed ee qaybta ka ahaa Barnaamijka loogu Magac Daray Ololaha Dhaqanka iyo Hidaha.

Goobjoog News