U bood dhigaalka

Magaalada Musil Oo Go’doon Noqotay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanay dalka Ciraaq waxaa ay sheegayaan in magaalada Musil iyo magaalooyin kale Talacfar laga jaray gurmadkii u iman lahaa Daacish.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii maleeshiyaad Shiico ah oo kaashanaya Kurdiyiinta ay u soorogashay in ay sidaa sameeyaan.

Wadada la xiray waxaa ay Musil ku xirtaa dalka Suuriya halkaas oo saanad iyo marin u aheyd kooxda Daacish oo dagaal ku jirta quwado badan oo gobolka iyo caalamka ah.

October 17 ayey ciidamada Ciraaq iyo dalal kale oo taageeraya ay bilaabeen in ay dagaal ku qaadaan Daacish, dagaalka waxaa lagu xureynayey magaalada Musil iyo meelaha ay gacanta ku hayaan Daacish ee dalka Ciraaq.