U bood dhigaalka

Magacyada 27 Wasiir oo Maamul Goboleedyada ah oo Ku Biiray Baarlamaanka Federal-ka, Warbixin

Sheeko:Amniga

27 ka tirsan wasiirrada maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ayaa noqday xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah, iyada oo ku dhowaad 30 wasaarad ay qaarkood wasiir la’aan yihiin qaarka aan la ogeyn in la badali doono iyo in kale.

Haddaba, Goobjoog News ayaa guudmar ku sameysay wasiirrada ka tirsan maamul goboleedyada ee soo galay baarlamaanka federaalka ah labadiisa aqal, waxaa kale oo aan ku darnay wasiiraha bannaan ee buuxiska u baahan.

Xogtan waxaa hoose waxaa ku cad in Koonfur galbeed uu yahay maamulka ugu badan ee wasiiradiisu ay galeen baarlamaanka federaalka ah, ilaa 12 wasiir ayaa ku biiray baarlamaanka federaalka ah, Puntland ilaa 7 wasiir ayey u dirtay baarlamaanka dhexe halka Jubbaland iyo Galamudug ay wasiirro u direen baarlamaanka 11-aad.

Jubbaland:

Maamulka Juubaland oo golaha shacabka ilaa iyo hadda u xulay 35 kursi oo labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah una harsan 16 kursi oo golaha shacabka ah, waxaa jira wasiiro xukuumadda madaxweyne Axmed Madoobe ah oo soo galay baarlamaanka federaalka ah sida Cabaas Cali Ibraahim oo madax ka ah wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka, Cabdirashiid Jire Qalinle ah wasiiru dowlaha madaxtooyada halka Xeri Gaani oo ah wasiiru dowlaha maaliyadda oo xildhibaan kasoo helay Puntland.

Jubbaland waxaa kale oo xildhibaannimo ka helay wasiirkii hore ee ganacasiga, haddana ah xildhibaan ka tirsan Jubbaland. Lama oga in Madoobe uu badali-doono wasiiradaasi ama ay isku heyn doonaan labada jago midda heer dowlad goboleed iyo midda federaalka ah.

Koonfur Galbeed:

Maamulka Koonfur Galbeed oo isna dhameystiray 77 kursi oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ku jira dadka xildhibaannimada federaalka ah helay  12 wasiir sida Axmed Madoobe wasiirka qorsheynta, Maxamed Abuukar wasiirka arrimaha gudaha, Isxaaq Subag wasiirka amniga, Maxamed Yuusuf wasiirka waxbarashada, Saalax Shariif wasiirka awqaafta, Mukhtaar Guuleed wasiirka xanaanada xoolaha, Maxamed Cali Xaasan hawlaha guud, Aweys Xasan wasiirka dekadaha, Axmed Mashruuc wasiirka ganacsiga, Cabdiqaadir Barako wasiir ku xigeenka gargaarka iyo Maxamed Aadan wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Lama xilliga uu madaxweyne Lafta-gareen badali-doono wasiirrada noqday xildhibaannada federaalka ah ama uu sidooda ku heysan doono.

Galmudug:

Maamulka Galamudug oo isna dhameystiray 45 kursi oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ku jira dadka xildhibaannimada federaalka ah helay  4  wasiir halka ay bannaan yihiin saddex wasaaradood oo kale.

Cabdisaabir Saabir Shuuriye, wasiirka kaluumeysiga iyo dekadaha ayaa noqday xildhibaan, Farxaan Cali Maxamuud oo ahaa wasiirka Maaliyadda ayaa noqday Senator, Aadan Qoryooley wasiirka boostada ayaa kusoo baxay xubin golaha shacabaka ee federaalka ah halka Siciid Siyaad Shirwac  oo ahaa wasiirka deegaanka uu isna noqday Senator.

Waxaa kale oo xukuumadda Qoorqoor ka bannaan wasaaradaha Arrimaha gudaha, Qorsheynta iyo Amniga, lamana oga xilliga uu boosaska buuxin doono kuwa federaalka ah soo aadana uu go’aan ka gaari doono. Galmudug waxaa horay wasiiro u ahaa Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdisaabir Shuuriye oo xubno ka ahaa baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah.

Puntland:

Maamulka Puntand oo isna dhameystiray 48 kursi oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ku jira dadka xildhibaannimada federaalka ah helay  8  wasiir.

Wasiirada xildhibaannimo federaalka ah helay waxaa ka mid ah Cabdigafaar Xaange oo ahaa wasiirka qorsheynta, Cabdullahi Tima-cadde oo Senator noqday waa wasiirka warfaafinta, Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan) wasiir ku xigeenka maaliyadda, Fardowsa Cismaan Cigaal  wasiiru dowlaha shaqada iyo shaqaalaha, Cabdullahi Rooble Wasiir dawolaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maxamed Cabdi Cismaan ( Majiino) oo ahaa wasiirka Dekadaha Puntland ayaa noqday Senator iyo Zeynab Ismaaciil Tiimbiye, wasiir Ku-xigrenka Deegaanka iyo Beeraha Puntland ayaa iyadana noqday Senator.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye