U bood dhigaalka

Magacyada 42 Xildhibaan Ee Ku Saxiixan Mooshinka Lagu Hakinayo Shirka Jowhar

Sheeko:Baarlamaanka

Mooshin ka dhan ah shirka Jowhar gogoshiisu ay ka furan tahay ayaa xubnaha baarlamaanka Federaalka ah si rasmi ah loo horgeeyay Sabtidii shalay isagoo ay ku saxiixan yihiin xubno xildhibaanno ah oo gaaraya illaa 42 xubnood.

Mooshinka ayaa ah qaraar baarlamaan oo lagu hakinayo habsami u socodka shirka Jowhar, looguna muddeynayo xilli kale.

Doodii mooshinka ka dib ayaa waxay xildhibaanadu codsadeen in cod la galiyo, si loo ansixiyo mooshinka, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Jaylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in mooshinku u baahan yahay kooram si loo ansixiyo; ” Kooramku waxa uu ku furmay 145 xildhibaan, hadda marka aan fiiriyana waxaa fadhiya 100 in ka yar,  mooshinkuna waxa uu u baahan yahay 50+1, marka soo xigta ee la helo 50+1 ayaa loo codeynayaa” .

Hadaba waxaan idiin soo gudbineynaa warqaddii Mooshinka ee baarlamaanka la keenayay iyo magacyada xildhibaanada ku saxiixan:-

Riix Halkaan Si aad u Akhrisato Magacyada Xildhibaannada iyo Mooshinka