U bood dhigaalka

Mahad Salaad: Golaha Shacabka Waqtigiisu Waa Dhammaaday, Habraacana Waa Mid Qaldan

Sheeko:Amniga

Xildhibaan ka tirsanaa golihii shacabka ee baarlamaankii 10-aad Mahad Salaad ayaa sheegay in hey’adda sharci dejinta uu waqtigeedu dhammaaday isla markaana aan loo baahneyn in xilligan la kulmo.

Mahad Salaad oo arrinkaas si khaas kala hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri‘‘Baarlamaanka 10-aad waqtigiisu waa dhacay goor hore, waa maxay baahida loo kulmayo iyo shaqada u taalo oo xilligan loo kulmayo’’ .

Xildhibaankan afka dheer, ee lagu yaqaan la xisaabtanka maamulka Farmaajo, kana tirsan madasha badbaado qaran ayaa intaa ku daray in balanta uu maanta qabtay guddoonka ay tahay sharci darro, oo aan la marsiin habraaca isla markaana ay hor istaagi-doonaan.

‘‘ Ajendahan lama marsiin habraacii ahaa guddiga ku shaqada leh ama iney ka shiraan guddiga joogtada ah, waa mid soo bood ah, sidaas darted ma aha in golaha la keeno, waxaan dalban doonnaa in la joojiyo ka hadlidiisa’’.

Dhanka kale, qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa Faceboogga waxaa uu ka digay in aan la tijaabin dulqaadka xildhibaannada.

Arrimaha ayaa imaanaya xilli qoraal ay guddoonka xalay u direen xildhibaannadii hore waxaa ku qornaa ”Berri oo Sabti ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 27 March 2021 waxaa xildhibaanada lagu war galiyay in uu jiro kulan weynihii Golaha Shacabka, Ajendaha: Covid 19. Saacaddu 09:00 subaxnimo.

Goobjoog News