U bood dhigaalka

Mahad Salaad : Maleeshiyaadka Ilaalada Shacabka ee Fahad Yaasiin Hoostaga Ayaa Saakay Xarunta Golaha Shacabka la Soo Dhoobay

Sheeko:Amniga
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya aya sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa kuwa NISA saakay la keenay Xarunta Golaha Shacabka oo maanta kulan uga furmayay Xildhibaanada Waqtigooda dhamaaday .
Mahad Salaad ayaa shegay in aanu ajendaha maanta aan la soo marsiinin xeer hoosaadki u yiilay golaha shacabka BJFS.
” Sideedaba Golaha Shacabka Xeer hoosaad ayuu ku shaqeeya, Ajenda marka la keenaayo Guddiga joogtada ah in ay ka fadhiistaan waye , guddiga joogtada ah in ay soo gudbiyaan waaye, kadibna 24-saac ka hor in loo soo gudbiyo xubnaha golaha Shacabka sidaasna ajendaha loogu soo daro oo loo keeno” ayuu ka hor yiri warbaahinta xilli uu kula hadlayay xarunta golaha shacabka .
Xildhiibaan Mahad ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo ka amar qaata Fahad Yasin lagu soo daadiyay xarunta Baarlamaanka ay ku shirayeen .
” Waxaa kaloo nasiib daro ah xarunta Baarlamaanka sida aad aragteen banaankeeda iyo korkeedaba in maleeyshiyaad Hubeysan oo bistoolada ku hubeysan oo dhar cad ah la soo dhoobay oo la doonayo in lagu qal qal geliyo xildhibaanada lana doonayo in lagu fuliyo Ajenda Guracan oo dastuurka dalka iyo Sharuucda dalka u taalla baarlamarsan” ayuu hadalka kiisa raaciyay Xildhibaan Maxamed Salaad.
Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in ciidmaadan uu dalbade Guddoonka Baarlamaanka Golaha Shacabka   Maxamed Mursal .
“Waan wareysano waxaan dhahdnay yaa kaney? Saraakiisha Amniga u xilsaaran waxeey noo sheegen Amarkan Guddoomiyaha in ay ku imaadeen “.