U bood dhigaalka

Mahad Salad ” Mudnaantii iyo Maamuuskii Ay Ahayd In Loo Sameeyo Aaska Marxuum Gen. Galaal Maanta Ma Helin”

Sheeko:Amniga

Allah U naxariisto waxaa xalay magaalada Guraceel lagu aasay Gen. Maxamed Nuur Galaal, oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Hotel Afriik lagu qaaday maalin ka hor .

Meydka marxuumka oo shalay laga qaaday magaalada Muqdisho, ayaa lagu aasay qamuura ku yaalo magaalada Guraceel.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay ehelada marxuumka , xildhibaano, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka galmudug.

Madaxweynaha Galmudug , Ra’iisul wasaaraha dalka , madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta maamulada dalka oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayanan jirin cid kamid ah oo ka qeeyb gashay aaska AUN marxuum Maxamed Nuur Galaal .

Dhanka kale Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, oo ka qeeyb galay aaska Gen Galaal ayaa sheegay in aanu marxuumka oo u dhintay isagoo dalkiisa difaacaya uusan Helin Maamuuskii uu mudna.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu xildhibaan mahad salaad ku yiri  “Mudnaantii iyo maamuuskii ay ahayd in loo sameeyo aaska marxuum Janaraal Maxamed Nuur Galaal maanta ma helin. Meel aan ka fogeyna godka xalay loo hooyay Janaraal Galaal shucuurta madaxdii Federaalka iyo Galmudug sidaan ayay u taalay”.