U bood dhigaalka

Mahad Salaad “Dowladda Finland waxaan kala hadlay sii deynta Soomaali dalkaasi ku xiran” (Dhageyso iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalka Finland , ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo si weyn loogu soo dhoweeyay kaga warbixiyay guulaha socdaalkiisa .

Mahad Maxamed Salaad ayaa xusay in dowladda Finland uu kala xaajooday siideynta muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran gudaha dalkaasi iyo joojinta musaafurinta Soomaalida , iyadoo la tixgelinayo Siyaasadda iyo sharciga arrimahaas uga degsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo caalamka.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo mudadii dalka Finland uu booqashada ku joogay la kulmay Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ku jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi H.E. Erkki Tuamioja ayaa sheegay in dowladda Finland iyo hey’adeeda horumarinta u qaabilsan uu kala hadlay fulinta mashaariic horumarin oo la gaarsiiyo gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya .

Mahad Salad ayaa sidoo kale carabaabay in dowladda Finland uu kala hadlay fulinta mashruuc dhaqan-celin iyo shaqo-abuur loogu sameynayo dhalinyarada ka tirsaneyd kooxda Al shabaab ee isku soo dhiibtay hey’adaha ammaanka iyo tababaridda Salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed si ay kaalin muuqata ugu yeeshaan xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso

Halkaan hoose ka daawo sawirada soo dhaweynta

DSC07362 DSC07364 DSC07365 DSC07366 DSC07367 DSC07368 DSC07369 DSC07371 DSC07372 DSC07373 DSC07374 DSC07375 DSC07376 DSC07377 DSC07378 DSC07379 DSC07388