U bood dhigaalka

Mahdi Guuleed “Saxaafadda Waa Awoodda Kowaad Ee Dowladnimida Iyo Dib U Dhiska Soomaaliya”

Sheeko:Amniga

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka,Mahdi Maxamed Guuleedayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xeerka saxaafadda ee dib-u-eegis dheer lagu sameeyay kadib uu saxiixay madaxdweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka qeyb galay munaasabadda dhaqan gelinta xeerka warbaahinta, ayaa caddeeyay in xeerkan oo la tashiyo ballaaran iyo dib-u-eegis ballaaran lagu sameeyay uu wax badan ka qaban doono dhibaatada ay qabeen bahda warbaahintu sidoo kalana uu qeexayo mas’uuliyadda ballaaran ee saaran bahda warbaahinta.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay maxkamadda ku haboon qaadidda dacwadaha iyo eedaha saxafiga ayaa yiri, “Anigu runtii sharci yaqaan ahaan iyo qof ahaan ra’yiyan ma fahmi karo sababta qof suxufi ah xeer ciqaabeed loogu oogaayo waxay tahay waayo ciqaabta Iyo mihnadda saxafinimo ee qofka suxufiga ahi waa kala caaganyihiin”.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/1642405069260378/

Xeerka saxaafadda ee madaxweynuhu saxiixay ayaa qoraalkiisii ugu horreeyay lasoo billaabay 14 sano kahor, waxaana markii ugu horreeyay golaha shacabku meel mariyeen 2008, hase yeeshee waxaa qodobada qaar dood ka keenay bahda warbaahinta, taas oo dhalisay in 2013 la billaabo dib-u-eegis lagu balaaran, waxaana mar kale baarlamaanku meel mariyeen 2015, waxaana madaxweynihii hore ee dalku saxiixay 2016.

Senator Axmed Macallin Nadiir oo ka mid ah guddiga arrimaha bulshada iyo warbaahinta Golaha Aqalka sare ayaa bogaadiyay dhaqan-galka xeerka saxaafadda uu Madaxweynaha Farmaajo Saxiixay.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/656751891600995/

Sannadkii 2017 ayaa mar kale dib u eegis lagu billaabay waxaana wax ka bedel lagu sameeyay 11 qodob oo kamid ah 15 oo bahda warbaahintu mar kale ay dood ka keeneen, waxaana ugu dameyn meel mariyay golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana saxiixay madaxweynaha dalka.

sii hayaha wasiirka warfaafinta Dowladdda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa isna faahin sharaxaad ka bixiyay Marxaladihii kala duwanaa uu soo maray dhaqan-galka xeerka saxaafadda.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2395837757389557/

Goobjoog News