U bood dhigaalka

Mahdi Maxamed “Waxaa Muhiim Ah In Madax Iyo Shacab Ay Ka Wada Qeyb Qaataan Qurxinta Deegaanka”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Guulleed (Khadar), ayaa maanta shaqaalaha xafiiska kala qeyb–qaatay ololaha nadaafadda ee dhammaan shaqaalaha iyo madaxda dawladdu ay fuliyaan khamiista ugu dambeysa Bil-walba, taas oo loola jeedo in laga shaqeeyo bilicda iyo qurxinta dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo gudaha Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya saakadii hore shaqaalaha xafiiska la billaabay aruurinta iyo xaaqista qashinka ayaa sheegay in nadaafaddu ay muhiim u tahay bilicda iyo faya-dhowrka bulshada, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo ilaalinta nadaafadda.

“ Maanta waa xilligii aynu u astaynay nadaafadda dalka, gaar ahaan Caasimadda in laga sameeyo olole nadaafadeed, waxaana muhiim ah in madax iyo shacabka ay ka wada qeyb qaataan qurxinta deegaanka.” Ayuu yiri Mudane Mahdi Mohamed Guulleed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa dhammaan shaqaalaha dawladda iyo shacabka ku dhaqanka Caasimadda dalka u soo jeediyay in ay maalin-walba ay ka shaqeeyaan ilaalnta nadaafadeed ee dalka, si loo helo deegaan caafimaad qabo.

Xarumaha dawladda ayaa sidaan oo kale looga sameeyaa ololaha nadaafadda, waxaan ka qayb qaata madaxda wasaaradaha sida Wasiiradda, Agaasimayaash iyo dhammaan shaqaalaha dawladda.

Dhammaad