Majaajiliistaha Ajakis oo Laga Soo Musaafurinayo Somaliland

Majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo shalay lagu xiray magaalada Haargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in laga soo musaafuriyo magaaladaasi.

Xariggan sababta ka dambeysa ayaa  warar maamulka ka agdhaw ay sheegayaan in Majaajiliistuhu uu si sharci darro ah ku galay Somaliland, wariyana uu yahay, qofkasta oo wariye shisheeye ahna uu marka hore ay tahay in codsi gaar ah uu dirsado si loo ogolaado ama loo diido dalabkiisa, waxayna wararku intaa raacinayaan in la doonayo in dib loogu soo celiyo Muqdisho, waana sida ay qoreyso saxaafadda qaar oo xiriir la sameeyay xubno ka tirsan maamulka.

Halka ay wararka qaarna sheegayaan in Majaajiliistuhu uu halkaa taransid ku ahaa, una socday magaalada Jigjiga ee Soomaali galbeed, laakiin aan la garaneyn sababta ka dambeysa xabsigiisa.

Si kastaba, waxaan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dabeysa xarigga majaajileysata oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka howlgali jirey mid kamid ah Talefishinnada Soomaalida, sidoo kalena kamid ahaa shirkadaha tarjuma Aflaanta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW