U bood dhigaalka

Makamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah Ku Fulisay Askar Dishay Dad Shacab ah

Sheeko:Amniga

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah waxaa ay ku fulisay  Qaasim Ducaalle Cabdi oo hore u dilay Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani oo lagu dilay (Abirimo) iyo Xasan Juulle Shaakir oo isna Dilay Cali Taliye Cariif oo ahaa wada Mooto Bajaajle ku shaqeysan jiray.

Dilal ayaa waxaa ay ka kala dhaceen demooyinka Xamarweyne iyo Balcad,10-kii January sanadkaan 2023, waxaana uu ahaa dil dhacay maalin qura oo Bulshada siweyn u taabtay,  Qaasim Ducaalle Cabdi ayaa 5000 oo Shinlling Soomaali ah waxaa uu u dilay marxuum Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa kiis dacwadeed labadaan eedeysane u kala fariisatay 15-kii  ilaa iyo 16kii January sanadkaan 2023, waxaana ay ku xukuntay xukun dil ah oo ahaa qisaasta marxuuminta kala ah Allah unaxariistee  Maxamed Sheikh Nuuraani iyo Cali Taliye Cariif

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maalmahaan waday fulinta qisaasta dad loo heysto dilal ay horey ugu geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo waxba galabsan, waxaana toogashada maanta ay kusoo aadaysaa xilli maxkamadda ay wali wado dilal iyo xukunka dadka geystay falalka nuucaas ah.

Goobjoog News