U bood dhigaalka

Dhageyso:- Warbixin Ku Saabsan Maktabad Casri ah oo Laga Hirgaliyey Hargeysa

Sheeko:Dalka

maktabadWax akhrinku waxa uu ka midyahay waxyaabaha kobciya aqoonta dadka, waxaana la oran karaa in qofka uu yaqaano inta uu wax akhriyo, sidaasi darteed waxaa goobaha kala duwan ee waxbarashada ku biirey ardey aad u badan sida ay sheegtey wasaaradda waxbarashada Somaliland.

Balse tacliintaasi waxaanan barbar soconin agabkii loo kaashan lahaa waxbarashada sida maktabadaha oo muhiim u ah kororka aqoonta.

Axmed Cali waa guddoomiyaha ardeyda jaamacadaha Somaliland, waxa uu Goobjoog u sheegey in sanad kasta kumanaan ardey ay jaamacadaha ka qalin jabiyaan, balse aysan helin meelo ay daraasadooda kula laabtaan iyo meelo cilbi baaristooda ay la kaashaadaan, wuxuuna hoosta ka xariiqey baahida loo qabo in la helo maktabado buugaagta cilmiga iyo funuunta kala duwan laga heli karo.

Si baahidaasi looga jawaabo ayaa waxaa magaalada Hargeysa laga hirgaliyey maktabad casri ah oo buugaagta lagu keydiyo kumbuyuutaraadka, waxaana maktabadan hirgalisey jaamacadda Golis ee Hargeysa ku taala.

Siciid Jaamac oo ah madaxa maktabada ee jaamacadda ayaa sheegey in fikradani ay ku cusubtahay Hargeysa, loogana gol leeyahay in wax looga qabto baahida jirta, wuxuu sheegey in buugaag badan oo cilmi iyo fankaba isugu jira lagu keydiyey kumbuyuutaraadka, halkaasina ardeyda ay ka daalacan karaan buugaagta.

Maktabadda waxaa yaala illaa 39 kumbuyuurad , waxaana markiiba isticmaali kara 39 ardey , waxaana laga maamulaa hal meel, taasi oo micnaheedu yahay in halmar waxa lagu shubo in dhamaantood ay ku wada shubmeyso xogtaasi oo isugu jirta mid maqal iyo muuqaal ah iyo mid qoraal ah oo ay ardeyda daabacanayaan.

Dhageyso

Goobjoog News