U bood dhigaalka

Ma Ku Dhici Karaa Farmaajo Inuu Hakiyo Maanta Awoodaha Fulinta oo Dhan Sidii Xasan Sheekh?

Sheeko:Amniga

Maanta waa 3-da Febraayo 2021-ka, waxaa muddo xileedka dastuuriga ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka hartay  keliya 5 maalin, isaga xilligaas kadib noqon doona madaxweyne hore sida uu dhigayo qodobka 91aad ee dastuurka KMG ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xafiikiisa 30-ka Janaayo sidan’ Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.’. Haddaba lama oga inuu hadaljeedintiisa ku laali doonno awoodihiisa fulineed iyo kuwa xukuumadda.

In laga hadlo hakinta awoodaha madaxweynaha iyo guud ahaan laanta fulinta ee  xilliga doorashada  ama kala-guurka waxaa ay timid kadib markii uu horay sidaa u sameeyey madaxweynihii ka horeeyey iyo cabsi laga qabo in Farmaajo uu shaqada iska sii wato xataa Febraayo 8 kadib sida inuu jago magacaabo, dalacsiiyo, heshiisyo galo ama arrimo kale.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, markii ay  5 maalin ka dhinneyd muddadiisa dastuuriga ah oo ku beegneyd 5-tii September 2016-kii  ayuu soo saaray wareegto ku saabsan habraaca dowladda waqtiga doorashada, waxaa uu joojiyey in maalintaas kadib aaney dhici karin:

1. Magacaabis ama shaqo ka joojin sare ee dowladda ama dalacsiin saraakiisha ciidamada qalabka sida

2. Lama badali karo dhismaha hadda jira ee hey’adaha dowladda oo dhan

3. Lama bixin karo kharajyada aan ku jirin habraaca miisaaniyadda 2016-ka, marka laga reebo kharajka 40% ee dowladda kasoo aaday kabka dhaqaalaha doorashada .

4. Lama geli karo heshiisyo iyo qandraasyo cusub oo aan ka aheyn kuwii horay u socday, sidoo kale lama geli karo balanaadyo qarash.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu bilihii ama todobaadyadii ugu dambeeyey waday inuu abaalmariyo dadkii ka shaqeynayey ololihiisa isaga oo magacaabay dhowr jago oo muran dhalisay, todobaadkan ayuu askar dalacsiiyey, waxaana isla weydiinayaa inuu ku dhiiran-doono inuu hakiyo shaqooyinkaas xilliga kala guurka sida madaxweynihii ka horeeyey Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan Hoose Ka Akhriso Wareegtada uu Madaxweyne Xasan ku hakiyey awoodaha fulinta Seeptember 5, 2016