U bood dhigaalka

Malaaq C/rashiid Cali “Xildhibaannada Yaan Lagu Soo Xulin Laaluush”

Sheeko:Dalka

Malaaq C/rashiid Cali Xasan oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed kana mid ah hoggaanka dhaqanka dalka ayaa ka digay in xildhibaannada baarlamaanka ee soo aadan aan lagu keenin qaab musuq ah ama laaluush.

Waxa uu sheegay in waxgaradka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay badbaadiyaan shacabka oo ay u keenaan dad waxtar leh oo shacabka meel wanaagsan gaarsiiya.

“Dhammaan waxgaradka soo xuli doona xildhibaannada meel walbo oo ay joogaan waxaan farayaa in xildhibaannada si cadaalad ah usoo xulaan, noqdana mid dadka iyo dalka wax u taraya, war keena qofka aqoonta leh ka taga kana an waxbo aqoon ee lacagta wata”

Malaaqa ayaa sheegay dhinaca kale in isaga aan laga yaabin in xildhibaan uu ku keeno qaab laaluush ama wax la mid ah uuna eegi doono cid walbo iyo kartideeda.

Waxaa la filayaa in dhawaan ay billaabato soo xulista xildhibaannada baarlamaanka soo socda ee bedali doona kan hadda jiraa.a

Goobjoog News