U bood dhigaalka

Malaaq Shiino “Maanta looma kala kici doono ilaa aan ka doorano madaxweynaha Koonfur Galbeed” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah waxgaradka ku howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ilaa maanta ay kusoo dooran doonaan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Malaaq Shiino oo aynu goor dhaw wareysanay ayaa sheegay in aan lagu kala kici doonin doorashada koonfur Galbeed, ilaa caawa hadii ay gaarto xitaa ay fadhin doonaan si ay Madaxweyne u doortaan.

“Waxaan ku sugannahay howlka shirarka, doorashada ayaa bilaabanaysa, howsha si caadi ah ayeey u socotaa, maanta looma kala kici doono ilaa aan ka doorano madaxweynaha Koonfur Galbeed, ilaa caawa in ay inaan soo gaba gabeyno ayaan jecelnahay, waaga xitaa hanagu baryo, laakiin malagu kala tagaayo iyadoo aan wax la dooran”

Malaaq Shiino ayeeynu wax ka su’aalnay dibadbixii ka dhacay magaalada Baydhaba, waxaana uu sheegay in dad aan badneyn ahaayeen, kuwaa oo wax tabanaayay, hase ahaatee ay iyagu qanciyeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale Malaaqa ayaa ka hadlay qoraalkii saaka kasoo baxay Xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana uu sheegay in aanu ogeyn meel gudoomiyaha qoraal kusoo saaray.

“Gudoomiyaha warkaas meel uu ku yiri ma hayo, hadii uu dhahayna isaga ayuu quseeyaa, gudoomiyaha Lixdii gobal isagaa waday, markii dambey wey suurta geli weysay ayuu dhahay, Sedaxdaanna isaga ayaa furay” ayuu yiri Malaaq Shiino.

Ugu dambeyn Malaaq Shiino ayaa sheegay in doorashadaan ay wadaan ay tahay mid sharci ah, islamarkaana aysan kahor imaanaynin wax walba oo sharciga dhinac marsan.

Baydhaba waxaa maanta ka taagan rabshado xoogan oo ay dhigayaan shacab diidan in la doorto maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal ah.

Goobjoog News

Goobjoog News