U bood dhigaalka

Malaayiin Qof Oo Xujey Ah Ayaa Maanta Taagan Buurta Carafo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah, Malaayiin qof oo Muslimiin Xujey ah waxay taagan yihiin Buurta Carafo si ay u gutaan rugniga ugu weyn ee Xajka.

In Ka Badan Labo Milyan oo Xujey ah ayaa saakay u dareeray Buurta Carafo, maadaama Nabigeenna Muxammed (NNKH) yiri “Xajku waa Carafo”.

Xujeyda marka ay qoraxda dhacdo waxay aadi doonaan Musdalifa, si ay u dhameystirtaan waajibaadkooda xajka.

Inta badan Dadka muslimiinta ah ee aanay u suutagelin iney soo xajiyaan maanta waa ay sooman yihiin si ay uga faa’ideystaan ajirka maalintaan ay leedahay.

Maalinta Berri ah oo ay ku beegan tahay 10 Carafo waa maalinta Koowaad ee Ciidda Carafo, iyadoo muslimiinta oo dhan si farxad ah ku ciidi doonaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkaan muujineysa taxaddar aad u badan taa oo ku saabsan in dhibaato aysan dhicin inta xajku socdo sida in dadka ay is buurtaan.

Waxaa lasoo kordhiyey adeegyo badan oo dheeraad ah, iyadoo dowladda Sacuudiga ay ciidan aad u badan halkaasi geysay.

Goobjoog News