U bood dhigaalka

Malala Yousafzai Oo Booqatay Goob Ay Taalibaan Ku Toogteen 6 Sano Ka Hor

Sheeko:Dalka

Gabadha u ololeysa xuquuqda gabdhaha, isla markaana heysata abaal-marinta  Nobel Peace Prize Malala Yousafzai ayaa saaka oo sabti ah booqatay xaafadda ay ka soo jeeda, taas oo iyada oo da’a yar ay ku toogteen Taalibaan 2012-kii.

Xarakada Taalibaan ayaa Malala Yousafzai oo u ololeyn jirtay in gabdhaha wax la baro ku toogtay Swat, iyaga oo goobta ka talinayey. Malala Yousafzai oo hadda 20 jir ah ayaa la sheegayaa in la xiray jidadka gala gurigeeda Mingora.

“Wax walbo oo Pakistaan waan u xiisay, wabiyada, buuraha, xitaa wasaqda iyo qashun qubka gurigeenna agtiisa..waxaa kale oo aan u xiisay saxiibadey aan marna is dagaali jirnay marna wax isla xaman jirnay” sidaasi ayey ku tiri wareysi ay jimcihii siiyay Reuters.

Goobjoog News