U bood dhigaalka

Maleeshiyaad Hubeysan Oo Haween Iyo Carruur Ku Dilay Xadka Gobolka Galgaduud Ee Itoobiya

Sheeko:Dalka

Maleeshiyaad hubeysan ayaa dad u badan carruur iyo haween ku dilay duleedka deegaanka Kaxandhaale oo dhaca xuduudka gobalka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya.

Inta la og yahay Seddax Qof oo Labo carruur ah ayaa ku dhimatay ku dhowaad toban haween ahna way ku dhaawacmeen weerar maleeshiyaad hubeysan ay ku qaadday deegaankaasi.

Lama oga sababta ka dambeysa arrintani waxaana dadka deegaanka ay u sheegeen Goobjoog News in ay tahay isku dhacyo qabaa’il.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayeey dadka deegaanka ku sheegeen in ay kasoo gudbeen dhanka Itoobiya.

Deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud islamarkaana dhaca dhanka xuduudda Itoobiya sidaan oo kel waxaa dhowr jeer loogu dilay dad shacab ah.

Goobjoog News