U bood dhigaalka

Maleeshiyaad Hubeysan Oo Maalintii Saddexaad u Xiran Tahay Wadooyinka Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in maalintii Saddexaad ay maleeshiyaad hubeysan u xiran tahay wadooyinka ugu muhiimsan ee magaaladaasi.

Maleeshiyaadkaan ayaa wata gaadiidka dagaalka, waxaana ay gabi ahaanba xireen wadada Laamiga ah oo halbowle u ah magaalada Baladweyne iyo kuwo kale oo halkaasi ku yaalla.

Waxaa la arkayaa shacabka ku dhaqan magaaladaasi oo isticmaalaya wadooyin qardo jeex ah, sidoo kalena ma jiro gaadiid dadweyne oo magaalada dhexdeeda mari kara.

Maleeshiyadan hubeysan ayaa ka carreysan dil 14-kii bishaan magaalada Baladweyne loogu geystay sarkaal u shaqeynayay hay’adda miino baarista ee Qaramada Midoobay Main Action.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada Baladweyne gaaray guddi ka kooban 7 xubnood, kuwaasi oo wasaaradda amniga u magacawday in baaritaan degdeg ah kusoo sameeyaan qaabka dilkaan u dhacay iyo sidoo kale cid walba oo dilkaasi ku lug leh.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News