U bood dhigaalka

Maleeshiyaad Isku Horfadhiyey Gaalkacyo Oo Maanta La Kala Qaadayo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta o Khamiis ah lagu wadaa in la kala qaado maleeshiyo beeleed maalamahan isku horfadhiyay magaalada Gaalkacyo oo ay ka taagneyd xiisad dagaal.

Heshiis horudhac ah ayaa laga gaaray xiisadda dagaal ee ka taagan dhanka galbeed ee magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay kulmeen odayaasha dhaqanka ee Labada beel.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in la isugu yimaado wada hadallo kale si loo xalliyo khilaafka ka jira dhul ku yaalla duleedka Gaalkacyo halkaas oo Labada malleeshiyo ay isku horfadhiyaan maalmihii dambe.

Dhulkaan la isku heysto oo dhanka galbeed ee Gaalkacyo ku yaalla waxaa laga dhisayaa saldhig ciidan iyo xarunta dhallinyarada ee Galmudug.

Odayaasha labada dhinac ee shalay kulmay ayaa ku ballamay in wax walba oo khilaaf ah lagu xalliyo wada hadal oo la dejiyo xiisadda magaalada ka taagan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News