U bood dhigaalka

Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Gal-mudug iyo Puntland oo ku dagaalamay gobalka Mudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dagaal beeleed sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay saacadihii la soo dhaafay deegaanno hoos yimaada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Dagaalkani ayaa u dhaxeeyo maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland.

Qof ayaa dhintay Afar kalena waa ay dhaceen sida ay Goobjoog Fm u sheegeen dad halkaasi ku sugan.

Deegaanada ay Maleeshiyaadkani ku dagaalameen ayaa qiyaas ahaan 100 KM waxay u jiraan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Halkaan hoose ka dhageysi Wariyaheena Bile oo dagaaladaan faah faahinaya.

Goobjoog News