U bood dhigaalka

Maleeshiyaadka Hubeysan Ee Degmada Xudur Oo Hubka Laga Dhigayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in hubka ay ka dhigayaan dhammaan maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan degmada Xudur ee gobalka Bakool, qaarkoodna la qarameyn doono.

Xasan Xuseen oo ah wasiirka hub ka dhigista maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay wadaan hub ka dhigista maleeshiyaadka iskooda u abaabulan, ayna doonayaan sidii loo heli lahaa ciidan qaran oo dalka wax u qabta.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan tababaro loo soo xiray ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaasi oo horay uga mid ahaa Maleeshiyaadkii ku sugnaa degmada Xudur oo la qarameeyay.

“Maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka go’an xaqiijinta amniga, tayeeynta ciidamada iyo in la helo ciidan mid ah oo meesha laga saaro maleeshiyaadka aan cidna ka ammar qaadan, waxaan wadnaa in wixii maleeshiyaad ah aan hubka ka dhigno, kuwa u baahan in la qarameeyana la tababaro ayna ka mid noqdaan ciidanka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xerooyin ciidan oo ku yaalla goballada Baay iyo Bakool waxa uu tababar ugu soo xiray ciidamo daraawiish ah, kuwaasi oo la sheegay in amniga deegaannada maamulkaasi ka taliyo wax badan uu ka qaban doono.

Goobjoog News