U bood dhigaalka

Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Duleedka Balanbale oo la kala qaaday (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Balanbale ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegay in ay kala qaadeen Maleeshiyaadikii dhawaan ku dagaalamay, deegaan duleedka ka ah degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Balanbale Hareeri Xasan Barre oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in ay kala qaadeen maleeshiyaadkaasi, ka dib dadaalo xoogan oo ay sameeyeen ka maamul ahaan.

Mr Hareeri sidoo kale sheegay in hadda deegaankii lagu dagaalamay uu nabad yahay, maadaama la kala qaaday Maleeshiyaadkii dagaalamayay, dadkana ay ka baqanayeen, in dagaal kale uu dhaco.

Waxa uu sheegay in waxgaradka labada dhinac ku wargaliyeen wada hadallo la isugu yimaado si loo dhameeyo colaadda inkastoo dhowr jeer wada hadallo dhacay aysan natiijo ka imaan.

Ugu dambeen gudoomiyaha degmada Balanbale Hareeri Xasan Barre waxa uu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan aysan awood u lahayn in ay ciqaabaan maleeshiyaadka inta badan ku dagaalama dhulalka daaqsinka ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi aynu la yeelanay Gudoomiyaha.

Goobjoog News