U bood dhigaalka

Maleeshiyaadkii Ku Dagaallamay B/weyne Oo La Kala Qaaday

Sheeko:Dalka

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soconayey dadaallo xooggan oo ay wadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, AMISOM iyo sidoo kale maamulka gobolka Hiiraan kaasi oo ku aadanaa in la kala qaado maleeshiyaadkii ku dagaallamay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne.

Maamulka magaalada Baladweyne ayaa warbaahinta u sheegay in la kala qaaday Maleeshiyaadkan, islamarkaana ay rajeynayaan in dhawaan dib u heshiisn waarta la kala dhexdhigo.

Maxamed Cismaan oo ah guddoomiyaha magaalada Baladweyne ayaa u sheegay warbaahinta in hadda ciidamada Jabuuti ay wadaan dadaalkii ugu xooganaa maamulka gobolka iyo kan degmadana ay qeyb weyn ka yihiin dadaalkooda.

“Ciidamadii Labada beelood waa la kala qaaday shir ayaa loo fadhiyaa, Odayaal dhaqameed baan gelinnay howsha saraakiisha Jabuuti iyo annagane dadaal xooggan baan wadnaa” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Xaaladda magaalada Baladeyne waa ay deggan tahay hase ahaatee magaaladaasi waxaa isugu darsamay dagaallo iyo fataahadda Wabiga Shabelle.

Goobjoog News