U bood dhigaalka

Maleeshiyo Beeleed Ku Dagaalamaya Deegaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa waxaa ay sheegayaan in laba maleeshiyaad oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusameed ay ku dagaalameen deegaan ka tirsan gobolkaas, kadib markii ay ku murmeen dhul daaqsimeed iyo Barkado Biyo, xilligaan ay jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyad saameysay.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu macaabo Baalle oo aan ka fogeyn deegaanka Dhagaxdheer, dagaalkaan oo  bilowday shalay galinkii dambe ayaa waxaa uu geystay khasaare kale duwan, kaas oo kala gaaray maleeshiyaadka dirirtu ay u dhaxeyso, waxaana wararku sheegayaan in dhaawaca labadhinac loo kala qaaday Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Deegaanka lagu dagaalamay ayaa xaaladdiisu degan tahay waxaa jira cabsi laga qabo in mar kale uu dagaal ka qarxo, maadaama labada dhinac ay ku jiraan hub aruursi, dagaalkii shalay ayaa ka bilowday Barkad  biyo laga cabo, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxaana saakay la maqlayaa rasaas goosgoos ah oo ay mararka qaar isku yidayaan.

Maleeshiyo beeleedka kasoo kala jeeda magaalooyinkaan ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka, waxaana waxgaradka labada dhinac iyo maamulka Galmudug ay ku guul dareysteen in xal waaraha laga gaaro dagaalka labada dhinac, kaas oo khasaare badan uu ka kala gaaray laba beelood ee walaalaha ah ee wada dega gobolka.

Goobjoog News