U bood dhigaalka

Maleeshiyo u abaabulan qaab beeleed oo maanta ku dagaalamay degmada Caabudwaaq

Sheeko:Dalka
Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud
Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud

Hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waa uu ku dhawacmay kadib iska hor imaad maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa salka ku haya dagaal beeleed hore uga dhacay degmadaasi, kaas oo dhax maray maleeshiyo beeleed halkaasi wada dega.

Odayaasha degmadaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay ku howlan yihiin dhamaynta xiisadaha halkaaasi ka soo cusboonaday.

Wariye Ayaanle Cabdulaahi oo ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa Goobjoog FM u sheegay in ruuxa dhintay uu ahaa ilmo 8 sano jir ah.

Wuxa uu sidoo kale tilmaamay wariyaha in dagaalka uu salka ku hayo dhul la isku haysto

Maamulka iyo odayaasha dhaqanka ayaa dadaal ugu jira sidii ay u qaboojin lahaayeen xisada iyada oo ciidamo ka socda degmada la geeyay goobta ay xiisada ka dhacday.