U bood dhigaalka

Mandhera: Al-shabaab Oo Burburiyey Anteenooyin Isgaarsiineyd

Sheeko:Dalka

Dagaalyahanno la sheegay iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ayaa burburiyey Anteenooyin isgaasriin oo ku yaallay  deegaanno ku dhow degmada Mandhera ee Kenya.

Waxaa la sheegay in dagaalyahannadan ay Anteenooyin ku xireen walaxaha qarxa, sidaasina ay dhulka kusoo dhigeen.

Guddoomiyaha gobolka Mandhera Fredrick Shisia oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in halkaasi uu ka dhashay khasaare hantiyeed, islamarkaana Anteenada ay dhulka soo dhacday.

“Al-shabaab waxay burburiyeen Anteenooyin Isgaarsiin oo ku yaallay deegaanno ku dhow Mandhera, waxay ku xireen Miinooyin, sidaasi ayeeynka dhulka ku dhigeen, meelaha ay wax ka buburiyeen waxay ku dhow yihiin qaarkood dhanka degmada Ceelwaaq” ayuu yiri guddoomiyaha.

Anteenooyinkaan la burburiyey waxaa la sheegayaa iney lahayd shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom, iyadoo marar badan Al-shabaab ay sidan oo kale u burburiyeen Anteenooyin ay shirkaddan lahayd.

Goobjoog News