Maqaal: Halbeegga Siyaasadda Degan

Doodu kama taagna muhimada weyn oo dal sida Soomaaliya ka soo kabanaya dagaalo sokeeye ay u leedahay deganaasho siyaasadeed oo suura gilisay in waddan dib loo dhiso.  Deganaasho siyaasadeed la’aanteedna umadi ma gaari karto horumarka ay higsaneyso. Marka la eego xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya waxaa aad muhiim u ah in la helo hanaan siyaasadeed oo degan, kana fog is qab qabsi.

Marka laga hadlayo degenaasho, ama deganaasho la’aan siyaasadeed, waxaa jira halbeeg lagu cabiro ama lagu qiyaaso iyo dhinacyo badan oo laga fiiriyo. Halbeegyada lagu Cabbiro deganaashaha siyaasadeed waa:

1 Jiritaan hoggaan leh aragti siyaasadeed iyo istiraatiijiyad cad

Si loo helo deganaasho siyaasadeed waxaa lagama maarmaan ah in marka hore uu jiro hoggaan siyaasadeed oo huwan karti, aqoon, aragti siyaasadeed iyo istiraatiijiyad cad, kuna aadan xal-u-helida mushkiladaha kala duwan ee ka jira dalka. Hogaanka leh tilmaamaha ceynkaas ah waxa uu awood u yeelan karaa xal-u-helida inta badan dhibaatooyinka ka jira dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, nabad-gelyada iyo bulshada. Si hoggaanku u helo aragti iyo istiratiijiyad wax-ku-ool ah, waa in uu adeegsado kaadir  daacad u ah wadankiisa lehna aqoon iyo khibrad fiican iyo xarumaha sameeya istiraatiijiyadda iyo cilmibarista, kadibna hoggaanka talada haya ay u howl galaan fulinta qorshayaasha ay diyaariyeen aqoon yahanka iyo xarumaha cilmibaaristu. Hadii istiraatiijiyad aqoon iyo aragti fog ku dhisan aanay hagin go’aannada siyaasadeed ee madaxda, lagama bixi doono gabi dhacleynta siyaasadeed ee dhaqanka iyo caadada u noqotay hoggaanka iyo siyaasiyiinta Soomaalida, lamana heli doono deganaansho siyaasadeed iyo hurumar waara

2 Kala madax banaanida hey’adaha dowladda

Kala madax bannaanida hey’addaha dowladda, sida fulinta , garsoorka iyo baarlamaanka waa astaan muujisa degenaasho siyaasadeed, iyo xukun wanaag. Hadiisa meesha ay ka maqan tahay kala madax banaanida hey’addaha dowlada, taladuna ay ku soo aruurto gacanta hal hey’ad ama shaqsiyaad kooban, waxa ay tusaala cad u tahay degenaasho la,aan

3 Wadaagida iyo ula kala wareegida xukunka si nabadgelyo ah

Waxaa sidoo kale aad muhiim u ah xasilooni siyaasadeed qaabka lagula kala wareego awoodaha dowladda. Waxa ay ku xiran tahay hadba nidaamka siyaasadeed ee dowladaasi ku dhaqanto, hadii nidaamka madaxdu raaceyso marka ay xilka qabanayaan iyo marka ay ka degayaan uu waafaqsan yahay sida ku qeexan dastuurka iyo shuruucdda dalka u degsan, bulshaduna ay ku hishiisay, dowladdaasi waxa ay la timid mid kamid ah calaamad lagu garto in wadankaasi ay kajirto degenaashaha siyaasadeed. Hadii nidaamka xil wareejinta ama qabashadiisu ay ku saleysan tahay xoog iyo is-maquunin ama musuq maasuq, waxa ay ka dhegan tahay in aysan jirin degenaasho siyaasadeed oo leysku haleyn karo

4 Kalsooni siinta iyo dhiirigilinta aqoon-leyda madaxda ka ah hey’adaha dowladda

Si ay kalsooni u helaan xirfadleyda iyo aqoon-leyda madaxda ka ah laamaha muhiimka ah ee dowladda, horumarna u sameeyaan, waxaa lagama maarmaan ah in aan isbedel joogta ah lagu sameyn xirfad layaashaas, lana beddelo dhaqanka ah in mas’uuliyiinta xilalka ugu sareeya ee hoggaanka dalka qabtaa ay isla markiiba la yimaadaan koox ama shakhsiyaad ay isku jaal ama qaraabo yihiin oo aan waaqica Soomaliya kajira xog-ogaal u aheyn, hufnaan iyo karti dheeri ah oo loo xishana aan laheyn, Taa beddelkeeda waxaa wanaagsan in lagula xisaabtamo kuwii horay u joogay wax-qabadkooda iyo hufnaantooda. hadii kale waxaa lumaya kalsoonida ay ku qabaan dadku nidaamka iyo madaxda xukuumadda, cid kasta uu xil loo magacaabana waxa ay noqoneysaa dareen ku nool iyo goorma ayaa xilka lagaa qaadi doonaa

5 go’aan qaadasho la dersay kana soo fushay hey’adaha sharcigu u xilsaaray

Mar kasta oo go’aannada dowladda noqdaan  kuwa aad loo dersay kana soo fulay hey’ado dowladeed oo sharci ku dhisan laguna qaadan rabitaan shakhsi ama shakhsiyaad, waxa ay muujineysaa dowlad wanaag iyo degenasho siyaasdeed iyo in go’aan gaarida iyo qaabka loo maraayo ay jaan gooyeen hey’addaha  dowladda ee sharcigu u xil saaray go’aanada nuucaas ah. Mar hadii go’aanada la gaarayo ay ku dhisan yahiin rabitaan shakhsi ama shakhsiyaad dano iyo ajenda gaar ah wata, waxa ay muujineysaa in aysan jirin degenasho siyaasdeed, dhaqan dowladnimo, maamul wanaag iyo daah-furnaan.

6 dhowrida xuriyadaha iyo xuquuqda aadanaha

Dhowrida iyo Ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo jiritaanka xuriyadaha ku saleysan dhaqanka iyo qiyamka bulshaddu aaminsan tahay waxa ay u suura gelinaysa bulshada qeybaheeda kala duwan in ay ra’yigooda u cabirkaan si xor ah ayaga oo aan ka baqin dhibaato uga timaado dhinaca xukuumadda. Hadiisa xaalku isku bedelo caburin, abuurid xaalad ku dhisan cabsi gelin iyo argagixin lagula kaco bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa ayna daliil cad u tahay in aysan ka jirin wadanka degenaasha siyaasadeed oo leysku haleyn karo. Sidoo kalane waxa ay horseedi kartaa in dhaawac weyn soo gaaro jawiga wada noolaashaha ah ee hada bulshada Soomaaliyeed haysato.

Gunaanad

In la helo degenaashaha siyaasadeed waa furaha horumarka kumana yimaado oo kaliya cudud ciidan oo la adeegsado iyo caburin lagu sameeyso dadka mucaaradka ku ah siyaasadda hoggaanka talada haya. Hasa yeeshee waxaa muhiim ah in uu jiro hoggaan leh karti, aqoon, aragti siyaasadeed iyo istiraatiijiyad cad ku aaddan xal-u-helida mushkiladaha kala duwan ee ka jira dalka, bulshadan aan kala xigsaneyn, ayna garab socdaan hey’ado dowladeed oo kala badax bannaan, si hufanna u shaqeeyo. Go’aan qaadasho ku saleysan qaab dowladnimo kana soo fusha hey’adaha sharcigu u xilsaaray, dhowrida iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo dib u heshiisiin  dhaxmarta xoogaga siyaasadda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan iyo helitaanka nidaam siyaasd, dhaqan, dhaqaale, iyo bulsho oo qeybaha kala duwan ku heshiiyeen, shisheeyana aanu dusha uga keenin, una adeegayo maslaxada iyo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

W.Q: Dr. Maxamed Diiriye Sabriye
E-mail: garoore@hotmail.com

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com