U bood dhigaalka

Maqaal: Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka

Sheeko:War

Doorashadu Waa habab iyo hay’ado suuragal ka dhigayo in dadweynuhu ka qeybqaataan sameynta go’aannada siyaasadda iyadoo la marayo hab ku dhisan tartan codbixin oo xor ah.

Doorashadu waa xaq dastuuri ah uu leeyahay muwaadinka Somaaliyeed, sida ku cad qodobka22aad faqradiisa 2aad dastuurka KMG ee la ansixiyay 01/8/2012.

Xaqa doorashada si loo nidaamiyo waxaa qasab ah in la helo sharci u gaar ah doorashooyinka, oo ujeeddadiisu tahay helidda habraac laysla og yahay, laguna nidaamiyo xaqaas, suurta-galna ka dhigaya in muwaadiniintu tartan codbixin oo xor ah ku doortaan cidda ay u arkaan in ay talada dalka qabato, sharci kasta oo nidaaminaya xaqa doorashada waa in aanu saameyn ku yeelan rabitaanka dadka wax dooranaya lakiin kaalintiisu ku koobnaato nidaamin.

Iyada oo taa laga duulayo Xukuumadda Soomaaliya, waxa ay 02/05/2019 meelmarisay hindiso sharciyeedka doorashooyinka iyadoo wax ka badashay nuqul ay diyaariyeen Guddi Wasaaradda arrimaha gudaha u xilsaartay diyaarinta hindiso sharciyeedka doorashooyinka.

Haddaba hindiso sharciyeedka ay ogolaatay xukuumadda mayahay mid u adeegaya xaqiijinta xaqa ku xusan qodobka 22aad faqradiisa 2 aadee dastuurka KMG ah?, kaalintiisuna ma ku kooban tahay nidaaminta xaqa doorashada, mise waxaa jira qodobo saameyn ku yeelan kara in la gaaro ujeedada loo unkayo sharciga? Si aan uga sal gaarno waxaan is dultaagaynaa hindiso sharciyeedka annaga oo diiradda saari doonna dhinacyadan :

  1. Sarreynta Dastuurka
  2. Madax banaannida iyo dhexdhexaadnimada GMDQ
  3. Xadeeynta ku tagri falka awoodaha ee GMDQ
  4. Doorashada oo qabsoonta xilligii loogu talagalay
  5. Dhaliilaha nidaamka matalaadda isku dheeli tiran
  6. Sarreynta Dastuurka iyo hindisa sharciyeedka: Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliyana isaga ayaa ugu sareeya shuruucada Dalka, isaga ayayna tahay in ay u hoggaansanaato Xukuumadda, hagana dhamaan go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dowladda, si waafaqsan qodobka 4aad faqradiisa 1aad ee DKMG, sharci kasta oo la soo saararyo waa in uu la jaanqaado dastuurka.

Qodabka 12aad  ee ka hadlaya Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidan ayuu u qoran yahay

(1- Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga hela kuraasta ugu badan aqlabiyadda Baarlamaanka ayaa ku guulaystay jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  1. Haddii Xisbiga ku guulaysta aqlabiyadda kuraasta Baarlamaanka iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigu ay gaari waayaan aqlabiyadda hal dheergia ah (50+1) ee Baarlamaanka, waxa ay isbahaysi la samaysanayaan Xisbi ama Xisbiyada kale si ay u meel marto Shuruucda iyo Siyaasadaha Xisbiga aqlabiyadda Baarlamaanku.
  2. Haddii laba xisbi sinmaan waxay isbahaysi ka raadsanayaan Xisbiyada kale si midkood ugu guuleysto jagada Madaxweynaha.)

Qodabkani waxa uu ka hor imaanaya dastuurka KMG, qodobkiisa 89aad ee sheegaya in Baarlamaanka labadiisa gole ay dooranayaan madaxweynaha, iyada taas laga anbaqaadayo waxa ay tahay in ay Xukuumadda dib u eegis ku sameeyso qodobka 12aad ee hindiso sharciyeedka doorashooyinka inta aanay u gudbin Barlamaanka maadama aanu laheyn sal sharci ah, dastuurkana uu sheegayo sharci kasta ee khilaafsan in uu yahay waxaba kama jiraan, si waafaqsan qodobka 4aad dastuurka.

Dhanka kale waxa haboon maadaama lagu saleeyay doorashada nidaamka xisbiyada, in Madaxweynahu aanu xubin ka noqon xisbiyada siyaasadda ku hardamayo, si uu qayb uga noqdo isku soo dhaweeynta xisbiyada siyaasadda iyo dhisida Xukuumadda, taana waxa suuragal ka dhigi kara in Barlamaanka labdiisa gole si wada jira u doortaan Madaxweynaha loona maro habraaca ku xusan qodobka 89 DKMG, iyada oo shardi laga dhigayo in qofka u tartamayo jagada Madaxwaynaha aanu xubin ka ahayn xisbiyada siyaasaadda.

Qodobkaan faqradiisa 2 aad waxa uu u qoranyahay sidan (……ay gaari waayaan aqlabiyadda hal dheergia ah (50+1) ee Baarlamaanka….) waxa haboon in loo qoro sidan (….. ay heli wayaan aqlabiyada (50+1) tirade guud ee Golaha Shacabka ) sababtoo ah Baarlamaanku waxa uu koobanayahay labada gole, Xukuumaduna waxa ay u baahantahay kalsoonida Golaha shacabka oo kaliya.

Qodabka 12aad waxa uu sheegayaa xisbigi hela kuraasta ugu badan Baarlamaanka inu uu ku guuleysanayo jagada madaxweynaha, xitaa haddii aanu helin kalsoonida xildhibaanno gaaraya( 50+1), taas oo ka dhigan in sharcigu aanu tixgalin siin rabitaanka codbixyayaasha intooda badan. Tusaale hadii xisbiga aqlabiyada uu helo 55 kursi oo u dhiganta 20% codka codbixiyayaasha, kuna guul dareeysto in uu sameeyo isbaheeysi lagu xaqiijiyo (50+1), waxa ay ka dhigan tahay in aan dan iyo heelo laga laheeyn 80% ee kamid ah codbixiyayaasha. haddaba su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay waa maxay faa’iidada doorasho qof iyo cod haddii aan la tixgalin rabitaanka dadka codeeyay? Dhanka kale haddii xisbiyada soo baxay ee helay 80% Xildhibaanada la doortay ay diidaan in ay isbahaysi la galaan xisbiga guuleystay  axaa xiga oo tillaabo? hindisa sharciyeedku jawaab nagama siin is weydiintaas.

Waxa iyana muhim ah in la caddeeyo waxa dhacayo haddii xisbi heli waayo aqlabiyad, kuna  uuldareystaan axsaabta ka mid noqday Baarlmaanka in ay la samaystaan isbahaysi keena xukuumad wadaag ah, ma doorasho cusub ayaa la galayaa?, ma Madaxwaynaha xisbigiisu aqlabiyada helay ayaa iska magacaabaya Wasiirka kowaad? Ma la sugayaa Inta ay iska fahmayaan Xisbiyada guulaystay ?

wada hadalada yaa garwadeen ka noqonaya haddii Madaxwaynuhu xubin ka yahay mid ka mid ah xisbiyada is fahmi la’a.

  1. Madax banaanida iyo dhexdhexadnimada GMDQ. Guddiga doorashooyinka waa in uu ka madxabnaanaado waaxda fulinta, uuna noqdaa mid dhexdhexaad ah si waafaqsan qodobka 111G ee Dastuurka KMG iyo lifaaqa 1aadaad qodobkiisa 1 aad A, ee sharciga Dhisda Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyin 02/04/2015.

Qodobka 14aad waxa uu leeyahay:

(1- Doorashooyinka dalka waxaa la qabanayaa afartii sanaba mar si waafaqsan qodobka 60aad ee Dastuurka, bil ka hor dhammaadka mudda xileedka Baarlamaanka.

2- Maalinta doorashooyinka la qabanayo waxaa cayimaya GMDQ, ka dib marka ay la tashadaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Digreeto ku soo saaraaya maalinta doorashada ee ay Guddigu soo jeediyeen. GMDQ waa in ay cayimaan taariikhda doorashada, ugu yaraan sagaashan (90)maalmood ka hor wakhtiga ay codbixintu qabsoomayso.)

Qodobkani waxa uu sicad u sheegayaa in GMDQ Madaxwaynaha kala tashado xadidaada maalinta doorashada, Madaxweynuhuna digreeto ku soo saaro tashiga kadib, Tani waxa ay ka dhigan tahay Madaxweynaha “oo ay suurta gal tahay in uu ka mid yahay murashaxiinta u taagan tartanka doorashada” in la siiyay awood u gaar ah uu kaga duwan yahay murashaxiinta xisbiyada kale, taas oo ka dhigan in meel looga dhacay madaxbanaanidi GMDQ, isla markaana meesha ka saareysa dhexdhexaadnimadooda.

Awooddaan lagu gaaryeelay Madaxweynaha waxa ka dhalan kara haddii uu arko in aanu doorashada ku guuleysanayn in uu diido digreetada lagu cayimayo maalinta doorashada, si uu u sameysto muddo  ororsi, taas oo dhalin karta qalalaase siyaasadeed.

Qodobka 18aad faqradihiisa 1 aad iyo 2 aad waxa ay u qoran yihiinn sidan :

(1-GMDQ, inta aan la baahin ama la ogeysiin waqtiga la bilaabayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo muddada ay soconeyso, waxay wargelinayaan madaxda Qaranka.

2-Madaxweynaha ayaa Digreeto ku soo saaraaya bilowga diiwaangelinta codbixiyeyaasha ka dib marka uu dhagaysto islamarkaana uu derso soojeedinta sababaysan ee GMDQ muddo lixdan (60) maalmood ah ka hor maalinta ay diiwaangelintu bilaabmayso).

shardiga ah in lagu war-galiyao madaxda qaranka iyo in soo jeedin loo sameeyo Madaxweeynaha, kadib uu digreeto ku soo saaro muddo 60 casho ah xiliga ay is diiwaan galintu bilaabaneeyso, waxa ay dhaawac ku tahay madaxbanaanida GMDQ iyo waliba dhexdhaxaadnimadiisa si taas looga badbaado waa in Guddiga loo madax baneeyo xaddidaada goorta la diiwaangalinayo codbixiyayaasha iyo xilliga codeynta ay billaabaneyso.

  1. Xadeynta ku tagri-fal awoodaha GMDQ Maamulidda doorashada waa waajib saaran GMDQ, xubnaha Guddiga, howlwadeenadiisa iyo dhamaan shaqaalaha waxa ay qayb ka yihiin dadka doorashada loo qabanayo, waxana shaki la’aan ah in ay ku saamoobayaan tartanka doorashada si taas looga hortago, loogana fogaado ku takri-fal awoodeed, waxa habboon sharciga ay ku shaqeeynayaan in uu caddaado kana taxaddaro dulduleelo keeni kara ku takri-fal iyo amar ku taakleeyn.

Qodobka 17aad faqrada 1aad,   waxa ay shegeysaa (Doorashooyinka Soomaaliya ee heer federaal waxaa ka codayn kara oo kaliya codbixiyeyaasha isku diiwaangeliyay in ay codkooda dhiibtaan). Faqradaan waxa ay ku xadiday cidda codeyn karta xilliga doorashada, in ay tahay ciddi isku diiwaan-galisay in ay codkeeda dhiibatao, halka faqradda 4 aad  ay u qorantahay sidan (Faqradda 1aad ee qodobkan waxaa la dabaqayaa xaaladaha caadiga ah laakin haddii duruufo kale yimaadaan waxaa u banaan Guddiga in ay si kasta oo doorasho hal qof iyo hal cod ah u hirgalin karaan u qabtaan) Faqradaan waxa ay sheegee in la dhaqan galinayo faqradda 1 aad xaaladaha caadiga ah oo kaliya, laakiin haddii duruuf timaado Guddiga ayaa go’aan ka gaarayo cidda codeeynaysa, duruufaha iman kara waxa ay yihiin lama sheegin, hindiso sharciyeedku ma qeexin waxa loola jeedo duruuf taas oo ah awood dheeraad ee Guddiga la siiyay keeni kartana in loo adeegsado si khaldan ay ka dhalan karto in la aqoonsan waayo cidda xaqa u leh codeeynta, waana mid sahli karta in sidii la doono laga sameysto liiska codbixiyayaasha.

Qodobkaan faqradiisa 5 aad waxa ay leedahay(Qof kasta oo isku diiwaan-geliya codbixiye si sharcigan waafaqsan wuxuu marayaa habka gaarka ah ee aqoonsiga qofka (Unique Biometric identification) ).

Faqradaan waxa ay xaddiday habka loo marayo diiwaan galinta codbixiyaasha, iyada oo lagu sheegay in ay noqoneyso“Unique Biometric identification” lakiin faqrada 6 aad oo u qoran (Haddii ay suurta-gali weydo habka diiwaan-gelinta ku xusan faqrada (5) ee qodobkan, GMDQ ayaa go’aan ka gaaraya habka diiwaangelinta.) waxa ay awood u siiyay GMDQ go’aan ka gaarista habka diiwaan galinta, taas oo ka dhigan in GMDQ ay samayn karaan ku takri-fal awoodeed.

Qodobka 32aad faqradihiisa 3aad iyo 4aad waxa ay u qoran yihiin sidan ( 3-Waxaareebban haddalada xanafta leh ee bulshada Soomaaliyeed kala fogaynaya  waxna u dhimaya dhaqanka, diinta, nabadgalyada iyo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

4- Waxaa ka reebban xisbiyadda in ay ku ololeeyaan arrimo qabiil, kuwo diimeed iyo arrimo gobolaysi ah) .

Labadaan faqro eray bixinnada la adeegsaday habka loo dhigay waxa ay noqon karaan kuwo sidii ladoono loo fasiran karo, ayna ka dhalan karto in xisbi kamida xisbiyada tartamayo laga saaro diiwaanka xisbiyada, si arinkaas looga hortago waxa habboon in lagu daro erayada hindisa sharciyeedku ku qeexayo qodobka 3aad ama meesha laga saaro si aan looga dhigan marmarsiimo tartanka looga reebo xisbiyada qaar, taas oo dhici karta haddii labada faqro aan kor ku xusnay lala aqriyo qodobka 19 aad faqradiisa 1aad xarafka f sharica Xisbiyada Soomaalia 2016, ee sheegaya haddii xisbi la yimaado xadgudubyo ka hor imanaya sharciga doorashooyinka in Xafiiska diiwaangeliyuhu ka saarayo liiska diiwaanada xisbiyada siyaasadeed.

Qodobka 20aad faqradiisa 4aad ee u qoran sidan (Codbixiyaha uu ka xumaado kaarku wuxuu xaq u leeyahay in loo beddelo marka uu keeno kaarkii ka lumay ama ka xumaaday soddon cisho (30) ka hor maalinta codbixinta).

Faqradaan waxaa muuqata in qaab qoraalkeeda wax ka qaldanyihiin, iyadoo shardi ka dhigaysa qofka kaarku ka lumo In uu keeno kaarkii lumay si loogu baddalo! Khaladka ka muuqda faqradaan waa mid ku kooban sida muuqata qoraalka la qalday, waxa haboon in dib loo qaabeeyaa hab qoraalkeeda iyada oo

lagu caddeeynayo habraaca uu marayo qofka uu ka lumo kaarka codbixinta.

Qodobka 35aad faqraddiisa 2 aad waxa ay u qoran tahay (Agabka doorasho ee ku xusan faqrada (1) ee qodobkan, GMDQ waxay ku bixin karaan qandaraas furan oo loo simanyahay loona maamulay si daah-furnaan iyo caddaalad ah, oo waafaqsanna Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka) adeegsiga erayga “ku bixin karaan” maahan mid munaasib ah, iibinta Agabka loo adeegsanayo doorashooyinka waa mid xasaasi ah, waxaana ka mid ah systemka lagu diiwaan galinayo codbixiyayaasha sidaas darteed waa In uu ahaado mid ku dhisan daahfurnaan erayga ah “ku bixin karaan” lagu badalo “ku bixinayaan”.

Qodobka 38aad  faqraddiisa 1aad xarafka B waxa ay uqoron tahayay sidan: ( Hubinayaa in ay wakiillada xisbiyadda tartamayaa goob-joog yihiin) halka ,faqrada 2aad ee isla qodobka aan sare ku xusnay lagu sheegay (Ma bannaana oo waa mamnuuc in qof aan goobta ku qornayn oo aan ahayn shaqaalaha iyo hawlwadeennada doorashooyinka uu goob-joog ahaado marka la fulinayo waajibaadka ku xusan faqrada (1) ee qodobkan).

Qodobkaan faqradiisa 1 aad xarafka (B) waxaa lagu dalbay in wakiilada xisbiyadu goob-joog ahadan, halka faqrada 2 aad isla qodobki lagu sheegay mamanuuc in ay tahay goob-joog in ay ahaadan cid ka baxsan shaqaalaha iyo howl-wadeenada goobta taas oo u muuqata in ay iska hor-imaanyaan Labada faqro, sidii la doonana loo fasiran karo.

Qodobka 44aad waxa uu uqoran yahay

(1. Wixii cabashooyin ah ee ay qabaan wakiillada xisbiyadu waa in ay qoraal ugu gudbiyaan Maamulaha goobta.

  1. Maamulaha goobtu waa in uu qaraar ka soo saaro cabashooyinka loo soo gudbiyay iyo wixii muran ah ee ka dhashay hawsha doorashooyinka.
  2. Cabashooyinka goobta ee qoraal ahaan loo soo gudbiyay ama loo soo jeediyay waa in qoraal lagu diwaangaliyaa si xafiisyada sare ee GMDQ loola socodsiiyo).

qodobkaan waxa lagu sheegay haddii wakiilka xisbigu cabasho qabo in uu maamulaha goobta qorayo warqad lagu cadeeynayo cabashada wakiilku qabo, caqli ahaan siday suuragal ku tahay in qof laga cabanayo qoro cabasho isaga khuseeysa, anagoo og in mararka qaar cabashadu sal u noqon karta faldanbiyeed ay ciqaabi ka dhalan karto, gaar ahaan haddii ay cabashadu la xariirto xaaladaha ku xusan qodobka 54 aad . dhanka kale qodobku kama hadal haddii maamulaha goobtu diiddo in uu qoro cabashada cidda ay tahay in uu la xariiro wakiilka xisbigu iyo habraaca uu marayo. Si qodobku u cadaado Waxaa habboon in habraaca lamarayo lagu xuso.

Qodobada kala ah: 13 aad faqrada 5 aad , 15 aad faqrada 4 aad , 17 aad faqrada 9 aad , 24aad faqrada 4 aad , iyo 31 aad faqrada 1 aad, dhamaan qodobadaan aan soo xusnay waxa lagu sheegay in GMDQ uu soo saarayo Xeer-nidaamiyeyaal, waxa haboon xeernidaamiyada lifaaq looga dhigo sharciga  doorashooyinka oo aan lagu deeyn in Guddigu sameeyso wixi uu ku shaqeeyn lahaa.

  1. Doorashada oo qabsoonta xilligii loogu talagay Qodobka56aad faqradiisa 1aad waxa ay sheegee (Haddii ay suurtagali weydo doorashooyinka guud ee xubnaha baarlamaanka dalku in ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, xubnaha baarlamaanka xilka haya ayaa sii haynaya xilka Sharci-dajinta inta duruufahaas adag laga gudbaayo doorashaduna ka qabsoomayso).

Qodobkaan Faqradiisa 1 aad waxa ay si cad u dhiira-galineysaa in doorashadu aysan ku qabsoomin xilligii loogu talagalay, Xildhibaanada Baarlamaanka in badan oo ka mid ah ma hubaan in ay soo laabanayaan sidaas darteed waxa ay soo dhaweeynayaan wax kasta oo suuragal ka dhigaya muddo kororsi, haddii hindiso sharciyeedka sidaan loogu geeyo waxa la arkaa in ay u codeeyaan.

Qodobkaan Faqrada 2 aad waxa ay u qoran tahay (Duruufaha adag ee ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan waxaa ka mid ah nabadgalyo darro baahsan oo dalka oo dhan ka dhacda, aafooyinka dabiiciga ah sida dhul gariirka iyo cudurrada faafa, abaaro baahsan iyo fatahaadaha webiyada iyo duufaanta iyo wax kasta oo lagu tilmaami karo musiibo Qaran). duruufaha adag ee lagu xusay qodobkaan waxa ka mid xaalad amni oo baahsan taasoo haddaba ka jirta wadanka, sababna u noqon karta in aan doorasho qof iyo cod ah lagu fakirin, sidaa awgeed waxa haboon in meesha laga saaro duruufaha ku xusan faqradan.

Qodobkaan Faqradiisa 7aad waxa ay u qoran tahay sidan (Muddada xil-haynta ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku waxa ay la kordhaysaa muddada cusub ee Goleyaasha Sharci-dejinta maaddaama ay doorashadu xilligeedii ku qabsoomi wayday )

qodobkaan waxa uu fursad u siisay Madaxweynaha in uu muddo xileedkiisa kororsan karo, isaga oo ah cidda ugu horeeysa ee lagala tashanayo dib u dhaca doorashada si waafqsan faqrada 3aad ee qodbkaan.

Guud ahaan haddii lala aqriyo qodobka 56 aad qodobada 14aadiyo 18aadwaxaa kuu muuqanaya in aanay doorashadu ku qabsoomi Karin muddadii loo xadeeyo.

  1. Dhaliilaha nidaamka matalaadda isku dheeli tiran Qodobka 11aad

(1. Habka doorashooyinka dalku wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isudheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation – closed List).

  1. Liisaska xisbi waliba waa in aysan ka badnaan laban-laab kuraasta loo tartamayo, kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo.
  2. Doorashada Madaxweynaha JFS waxaa maamulaya sida ku cad Qodobka 111G (2)(a) ee Dastuurka.)

Qodobkaan waxaa lagu caddeeyay in nidaamka doorasho ee dalka uu yahay nidaamka matalaadda isku dheeli tiran ee liiska xiran.

Nidaamka matalaadda isku dheellitiran waxaa loola jeeda in xisbi kasta ee ka qayb qaata doorashada uu helayo kuraas u dhiganta cododka uu helay. Nidaamkan markii ugu hooraysay 1855 waxaa laga dhaqan galiyay Denmark.

Mataalada isku dheeli tiran ee liiska xiran waxaa loola jeedaa in codbixiyuhu marka uu codka dhiibanayo uu doorto mid ka mid ah liisaska xisbiyada tartamaya isaga oo aan kala reebin, wax ka badalin, nidaaminin, kala soocin magacyada liiska ku qoran ee uu uqaadanayo sida ay tahay.

Nidaamakani waxa uu leeyahay dul duleelo

  1. Waxa laga yabaa in uu abuuro daganaashiyo la’aan xagga Xukuumadda ah, haddii xisbi heli waayo (50+1), taas oo abuuri karta xasillooni darro siyaasadeed oo saameyn ku yeelata horumarka dalka iyo dadka .
  2. Waa nidaam ay adag tahay in la fahmo gaar ahaan arinta la xariirta qaybinta kuraasta, kuma sii jirto haddii loo shardiyo 4.5.
  3. Waxa uu yareeynayaa xiriirka ka dhexeeya xildhibaanada la doortay iyo dadkii ay matalayeen.
  4. Waxa uu awoodda gacanta u galinayaa hoggaanka xisbiga oo ah iyagu cidda go’aanka ka gaaraya dadka ka mid noqonaya liiska murashaxiinta, waana tan keeneysa in kuwa la doortay ay mar walba u dhawadaan una dhago nugladaan rabitaanka hogaanka xisbiga xitaa haddii ay ka hor-imaanayso danaha qaranka.
  5. Qodobka 13aad faqradiisa 6aad waxa uu shardinayaa in xisbigu helo 7% si uu uga mid noqdo Baarlamaanka, waa tiro aad ubadan oo u dhiganta 20 xildhiaan, taasina waxa ay keeneysaa in dad aan codod ku iman ay galaan Baarlamaanka, innaga oo og in bulashadeeynnu u qaabeysan tahay qaab beelo ku dhisan, mar walbana ay fiirsanayaan guddoomiyaha ama murashaxa xisbiga waana mid keeni karta in cododku qaybsamaan.

Tusaale haddii ay xisbiyo badani oo tartamay gaari wayaan7%, taana waxa ay ka dhigan tahay in la qasaarinayo codod badan oo laga yaabo in ay gaari karaan ama kor u dhaafaan50% muwaadiniinti cododkooda dhiibtay, taas waxa ay kadhigan tahay in meesha si dadban uga baxeyso ujeeddadii laga lahaa qof iyo cod.

  1. Codbixiyuhu awood uma lahan in uu doorto hal murashax , waxa uuna ku qasbayaa mararka qaar in uu u codeeyo murashaxiin aanu u arkin in ay leyihiin karti keenaysa in la doorto.

Ugu danbeeyn tilaabo kasta oo noo dhaweynaysa in la gaaro doorasho qof iyo cod ah waxa ay mudan tahay bogaadin, hindiso sharciyeedka Xukuumadu ogolaatay waxa jira wax yaabo badan uu ku amaanan yahay lakin waxaan diiradda saarayay dulduleelada iiga muuqday oo ku dhisan aragtideeyda, tan ugu muhiimsan ay masuuliyadi ka saaran tahay cid kasta oo saameyn ku leh go’aan ka gaarista sharciga doorashooyinka ayaa ah, in muddo kabadan nus qarni sharcigi ugu horeeyay ee doorasho aanu noqon mid talada gacanta u galiyay dad aan ku imaan rabitaanka codbixiyayaasha.

W/Q: Caadil Cali Maxamed

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; [email protected]