Maqaal Uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Uga Hadlay Shirka Bini’aadannimo Ee Istanbul

Iyadoo dunida ay aad uga naxday sawirka geerida wiilkii yaraa Aylan Kurdi jiilaalkii tagay ayaa hadana waxa  isbadalay ay aad u yar yihiin, waana wax laga xumaado oo waxashnimo ah in dhibkaasi uu weli taagan yahay.

Sawirkaas  awoodiisa iyo saameynta uu ku yeeshay baraha bulshada iyo dadka caanka ah ayaa keentay in dunida u gurmato dadka aan waxba heysan, waxaa kaloo xaqiiq ah in lix bil kadib geeridii Aylan ay rayid ama Maati badan oo rag, haween iyo carruur isugu jira la dhibban yihiih dhibaato laga hortagi karay.

Waxaa run ah in aan mareyno dhibaatado Bini’aadannimo tii ugu weyneed kadib dagaalkii labaad ee aduunka  laakiin taasi micnaheeda ma aha in aan ku qarrino kala aragti duwanaanshiyo dhexdeena ah.

Iyadoo musiibooyinka dabiiciga ah ay ka dhashaan dhimasho iyo barakac ayaa hadana waxaa wax laga walwalo ah in dhibaatooyinka ugu badan ee xagga banii’aadnimada ee xiligan taagan ay ka dhasheen colaado dadka dhexdooda ah oo laga hortagi karo dhicistooda ah.

Mana jirto caddeyn ka weyn arrinta ama dhibaatada ka socota dalka Syria halkaas oo nin dilaa ah oo gacan ka helaya shisheeye uu shacabkiisa u leynayo si aan kala sooc laheyn.

Markan aan ka soo tagno Syria, bariga dhexe,  Asia, Africa  iyo meel walbo waxaa ka jira dhibaatooyin banii’aadnimo kuwaaas oo xuduudaha ka tilaabay.

Maanta,  125 million oo dunidan ku nool ayaa u baahan gargaar Bini’aadannimo halka dadka la barakiciyay ay gaarayaan ilaa  60 million kuwaas oo labo jibaar noqday todobadii sano ee la soo dhaafay.

Tiradan waxaa ay ku tusineysaa heerka dhibaatada banii’aadanimo ee jirta, awood darrida iyo rabitaan la’aanta iyo baahida jirta iyo dhaqaalaha loo hayo oo aad u kala badan.

Si wax loo qabto Turkiga waxaa uu hormuud ka noqonayaa in uu tusaale u noqdo wax ka qabashada dhibkaas, weliba waxaa arrinkaas kala kaashanayaa kor u qaadistiisa beesha caalamka.

Turkiga waxaa uu ka mid yahay deeqbixiyeyaasha hadana waxaa uu martigeliyaa qaxootiga ugu badan caalamka, in ka badan 3 Milyan oo ka soo qaxay dagaalka Syria  ayuu Turkiga siiyaa hoy iyo adeegyo kale sida caafimaad, waxbarasho iyo tababarro kale, qaxootigan waxaa ku kacda dhaqaale badan oo Turkiga keliya uu dusha u ritay.

Laakiin siyaasadda Turkiga ee howlaha Bini’aadannimo kuma koobna dariska ee waxa ay wax ka qabataa meel walbo oo dad nugul ay joogaan iyadoo aan loo dayin midabka, diinta iyo qabiilka, howshan oo Turkiga ay soo wadeen ilaa qarnigii 15-aad.

Turkiga waxaa uu gacan ka geystaa howlo banii’aadanimo oo ka jira Haiti ilaa Nepal, Guinea ilaa Somalia  iyo  Sahel ilaa  Indonesia.

Howlaheena banii’aadanimo ma aha oo kaliya mid lagu qafiifinayo calaamadaha balse waa mid lagu daweynayo cudurka.

Arrintan waa caawimaad Bini’aadannimo iyo horumar dhinac walbo ah oo sidoo kale wax looga qabanayo meesha uu  dhibka kasoo askumay.

Waxaa tusaale fiican u noqon kara dalal ay ka yimid yihiin Sahel iyo in Somalia, halkaas oo Turkiga uu ka qaaday siyaasad isdhexgal ah isagoo sameeyay dan wadaag, waa gargaar ay wehliso isdhexgal  xagga ganacsatada, bulshada rayidka taas oo dad badan badbaadisay.

Xilli Turkiga muhiim u arko mas’uuliyaddan uu dhabarka saartay ayaa hey’adaha ka shaqeeyay banii’aadanimada waxaa loo diiday in la siiyo lacago loo heli karay, waxaa waqtiga uu ku soo socdaa dad badan oo dhibaato banii’aadnimo heystaan oo aan aragno, dad badan ayey noloshooda halis ku jirtaa oo waxqabad la’aan ma aha in laga gorgortamayo.

Xilligan qatarta leh, Turkiga waxaa uu martigelin doonaa shir madaxeed caalami ah oo Istanbul ka dhacaya 23-24 May 2016 kaas oo qaramada midoobay u qaban doonto arrimaha banii’aadanimada .

In shirkan uu Turkiga martigeliyo ma aha wax iska yimid ee waa aqoonsi ku saabsan siyaasadiisa banii’aadamnimo ee uu fuliyay.

Shirka caalamiga ah ee banii’aadamnimada waxaa lagu soo bandhigi doonaa caqabadaha heysta howlaha banii’aadanimada, waxaa kaloo laga hadli doonaa dhibaatooyinka soo laalaabta, kuwa laga gaashaaman karo, barakaca xad dhaafka ah iyo sidoo kale in la helo lacag joogta ah oo wax looga qaban karo howlaha banii’aadamnimo.

Waxaa wax la iska weydiin doonaa shir madaxeedkan qababka ugu haboon ee looga jawaabayo howlahan, sidee wax looga qabtaa dhibaatooyinka banii’aadaminmo ee maxaliga sida in waddooyin sahlan  ama Weji saxiibtinimo la adeegsado, waxaa kaloo wax la iska weydiin doonaa sharafta iyo karaamada ay leedahay howshan banii’aadamnimada.

Shirkan caalamiga ah ee banii’aadamnida dalalka iyo hogaamiyeyaashooda waxaa ay fursad u heli doonaan in ay qaadaan tilaabooyin lagu badbaadinayo dadka u dhaxeeyay nolol iyo geeri.

Markan aan xusuusto sawirka Aylan waxaan aad uga xanuunsadaa in uu ahaa cunug yar oo kaligii ah oo aan helin wax badbaadiya, waxaan rumeysanahay in sawirkaas aan casharo ka baranay oo aan ka shaqeyno in sawirkaas oo kale aanu soo laaban.

Waxaan mas’uul ka nahay  waxa xiga ee ku dhici doona dadka nugul ee suga gargaar iyo caawinaad ay naga helaan, Istanbul waa meeshii ay mas’uuliyaddaas ku qaadan lahayn.

Waxaan ugu yeereynaa madaxda iyo hogaamiyeyaasha caalamka in ay nagala soo qeybgalaan shirka Istanbul ee qaramada midoobay ugu talagashay howlaha banii’aadamnimada si aan xal ugu helno dadka baahida weyn u heysto kaalmo banii’aadamnimo.

W/Q: Mevlut Çavuşoğlu, Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga.

Waxaa Tarjumay: Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW