Maqaamka Magaalada Muqdisho (Gobolka Banaadir), Yay u tahay goob doorasho (Constituency)?

Arrintani waxa ay noqotay mid looga doodo waxa loo yaqaano fadhi ku dirirka iyo  warbaahinta Soomaaliyeedba,waxayna ku salaysan tahay doodu ama nuxurkeedu yahay.

Muqdisho oo Caasimad ah yaa maamuli doona (dowladda dhexe mise dowlad goboleed),  marka laga hadlayo matalaadda yay u tahay goob doorasho (Constituency) oo doorasho ka soo gelaya, ma qof kasta ee Soomaali ah Ethopia ba ha ka yimaadee ayaa kursi dhiganaya mise dadka deegaanka (natives),  ayay kursi dhigashadu ku kooban tahay,waxaana buuqaan qayb ka ah distuurka ku meel-gaarka federaalka Soomaaliya oo qodobkiisa 9aad ku sheegay in baarlamaanku sharci ka soo saari doono qaabka maqaam ahaanta, hadaba si aan jawaab u helno  waa inoo dood furan fadlan nala wadaag fikirkaadana noo reeb adoo aad u mahadsan  aan eegno qeexidaan waxa uu yahay maqaamka magaala madax (Capital City Status):- waa minishiibiyo (municipality) ku naaloonaysa ama ku leh dowladda,gobolka, magaalada midii ay noqotaba sharaf iyo qaderin gooni ah isla markaasna ay ku taallo xarunta dowladda dhexe haddii aad fiiriso (wikipedia,free encyclopedia).

Waxaa qeexidaan ka dhax muuqanaysa in waxa Soomaalidu ku doodayso haba yaraatee aanay wax ka jirin ee kaliya ay tilmaamayso laqabka (title) la siiyay magaaladaas sababtuna ay tahay xaruntii dowladda ayaa ku taal, hadaba waa in aan fiirinaa 3 saddex arrimood oo kala ah:-

(1) caasimadaha dowladaha adduunka dustuuradooda ma lagu wada sheegay? jawaabtu waa maya, tusaale London, Bern (hana dhihin British ma laha dustuur).

(2) Xafiisyada Dowladaha dhexe ma ku wada leeyihiin caasimadda, jawaabtu waa maya, fiiri dowladda dhexe ee jarmalka (Germany), Koofur Afrika iyo kuwa kale oo badan.

(3) hab maamulka,caasimadaha nidaamyada Federaalka ah waxa ay u qaybsamaan sida soo sacoto:-

(A) Kuwo leh dowlad goboleed ka madax banaan dowladda dhexe oo la mid ah dowlad goboleedyada wadanka intiisa kale ka jira sida; Germany (fiiri qodobka 22 ee Dustuurka Germany), Sweezerland (fiiri qodobka 1aad dustuurka Swiss Federal 1999), UAE (fiiri qodobka 9aad ee Dustuurka UAE oo soo baxay  1996), South Africa (waxay u egtahay federal) iyo kuwa kale oo badan.

(B) kuwo maamul madax banaan leh oo aan gaarsiisnayn dowlad goboleed, nuucaani aad ayuu u yar yahay,sida Ethiopia fiiri qodobka 49 ee Distuurka Ethopia waxaana la xisaabtamaya maamulkaan dowladda dhexe,(walow aanay matalaadda Aqalka Sare ee baarlamaanka ku dhisnayn tirada dowlad gobaleedyada ee ay ku dhisantahay tirada qowmiyadaha), sida la ogyahayna dowlad gobaleedyada Ethopia dhamaantood waxa ay ku magacaaban yihiin qowmiyado,fiiri qodobka 47 isla dustuurkaas .

(C) maamul hoostaga dowladda dhexe,sida Washington DC (fiiri section 8 of USA constitution) , waa degmo laga soo jaray lagana  defiray xuquuqdii uu lahaa dadka deggan dowlad goboleedka Virginia.

* Hadaba muxuu noqonayaa xariirka ka dhaxaynaya Muqdisho Caasimad ahaan (dowladda dhexe),Muqdisho degaan ahaan (dowlad gobaleed) taas oo macnaheedu tahay Dowladdii Dhexe iyo maamulka dowladgobaleedka ay hoostimaado Muqdisho muxuu yahay xariirka ka dhexeeya?

Maadaama aanan jirin nidaam caalami ah oo jaango’an ama la isku raacsan yahay oo xadidaya habka qaanuun iyo siyaasad ahaanba loo maamulo caasimadaha wadamada nidaamka federaalka leh, in kastoo intooda badani (caasimadaha) waxba ka bedelnayn dowlad gobaleedyada wadanka intiisa kale ka jira. Muqdisho waa casimaddii Dowladda federaalka Soomaaliya,waxayna ku taalaa Gobalka Banaadir kaas oo ka mid noqodoona dowlad gobaleedka ay isugu tegayaan sedexda gobal ee Banaandir,Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose,

* Dowlad goboleedkaan waxaa laga doonayaa in ay bixiso dhulalka laga dhisayo xarumaha iyo xafiisyada dowlada dhexe iyo kuwa dibolomaasigaaba, dhulalkaas oo laga dhisi doona meelo ay ka heshiiyeen dowladda dhexe iyo dowladgobaleedka.

* Arrimaha maamul ee Dowlad Goboleedka Banaadir oo Caasimadu ka mid tahay waxaa ka mid noqon doona:-

Amniga, garsoorka iyo sharcidehinta heer dowlad gobaleed, dejinta iyo qaadidda canshuuraha iyo ilaha dhaqaale ee kaleba iyo kharash garayntooda, ilaalinta bay’adda, waxbarashada aasaasiga, dugusiyada sare iyo kulliyadaha, jaamacadaha, caafimadka aasaasiga ah, xarumaha caafimaadka, isbitaalada, kormeerka iyo ilaalinta biyaha, koronta siinta magaalada, kaabayaasha dhaqaalaha, bilicda magaalooyinka, arrimaha dhul-bixinta iyo naqshadeynta magaalooyinka, bixinta aqoonsiyada, dhalashada, sugnaanta iyo bixinta shatiyada ganacsiga iyo dhowrista meelaha taariikhiga ah iyo wixii kale ee dowlad gobaleedyad kale ay xaq u yeeshaan.

Fiira gaar ah,waxaa badanaa dadku ku wareersanyihiin oo ay iswaydiinayaan marka arinto joogto Muqdisho oo caasimaddii ah kuna dhaxtaala dowladgobaleed sidee loo kala xakamaynaa maamulka dowladda dhexe iyo kan degaanka iyo dowlad goboleedka, arrintani waa sahlan tahay sababtoo ah hay’adaha Dowladda Federaalka ahí waxay u hogaansamayaan fulinayaanna qawaaniinta Federaalka ikhtisaaskooduna (jurisdiction) waa Federaal, halka hay’adaha deegaanka iyo kuwa dowlad goboleedyaduna u hoggaansamayaan howlaha iyo qawaaniinta u degsan dowlad goboleedka una wareejinayaan wixii aanay shaqo ku lahayna qawaaniinta iyo fulinta federaalka, sideedabana dowladda federaalka xafiisyadeedu kuma koobna Muqdishee ee dowlad goboleed kasta ayay xafiisyo ku leeyihiin sidaas ayaana loo wada shaqaynayaa.

Allaa wax og!

Aragtida: Yaasiin Maaxi Macalin

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW